Beelo Hub iyo Rasaas Kuwareejiyay Maamulka Wilaayada Bay Iyo Bakool

0
814

 

Wararka Soomaaliya

 

Beesha Dabarre ee degta degmada Diinsoor ee wilaayada islaamiga ah Baay iyo Bakool ayaa maanta hub iyo saanad ku wareejisay wilaayada.

 Kadib kulan ballaaran oo ka dhacay degmada Diinsoor ayaa Odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi waxay go’aansadeen in hub iyo saanad badan ay ku wareejiyaan Wilaayada Baay iyo Bakool si loogu difaacyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Mid ka mid ah Odayaasha degmada Diinsoor oo la hadlay Warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in hubkan maanta ay ku wareejiyeen Wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool uu qeyb ka yahay hub badan oo beesha ay kol hore ku wareejisay wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool.

Inta badan beelaha dega Wilaayada islaamiga ah ee dalka Soomaaliya ayaa horey hubkooda ugu wareejiyay Maamullada islaamiga ah, waxaana ugu dambeeyay beesha degta degmada Saakow oo dhawaan hub iyo saanad badan ku wareejisay wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool