Askari Ka Tirsan Dawlada KMG Soomaaliya Oo Dil Bareer Ah Muqdisho Ugu Geystay Dad Rayid Ah

0
288

Wararka Soomaaliya

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa dil bareer ah ugu gaystay Magaalada Muqdisho mid ka mid ah darawalada ka shaqaysa gaadiidka BL-ka ah.

 

Duhurnimadii maanta ayaa Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxa uu dil bareer ah ugu geystay Iskoyska KM4-ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa degamada Dharkeenlay iyo Isgooskaasi.

 

Dilka askariga uu u geystay darawalka ayaa ka dambeeyay kadib markii wadaha iyo askariga uu soo kala dhexgalay muran ku aadan in uu bixiyo ninka la dilay lacag baad ah taasi oo uu ka biya diiday Darawalka la dilay,  kadibna uu rasaas bareer ah ku furay marxuumka la dilay.

 

Dilkaasa loo geystay mid ka mid ah wadayaasha gadiidka BL-ka ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka gadiidka iyo ganacsiga Isgoyskaasi inkastoo markii dambe xaalada halkaasi ay noqotay mid caadi ah hase ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa Wadayaasha gadiidka waxa ay cabasho ka muujinayeen lacago sharci dara ah oo ay sheegeen inay ka qaadaan rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.