Isku Soo Bax Weyn Oo Ka Dhacay Degmada Beydhabo Ee Gobolka Bay & Bakool

0
790

Wararka Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isku soo bixii ugu weynaa ee sanadahaan ka dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa maalintii axada ahayd ee lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta Wilaayada Islaamiga ah ee Baay & Bakool halkaas oo lagu soo dhaweynayay in ka badan 70 Nabadoon iyo Malaaqyo ah oo kasoo jeeda Gobollada Baay & Bakool kuwaas oo soo dhamaystay Dowro diini ah oo in ka badan hal bil uga socotay deegaanka Daynuunaay ee hoostaga Baydhabo.

Nabadoonada iyo Malaaqyada oo ka kala yimid degmooyinka ay ka koobantahay Baay & Bakool ayaa socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Baydhabo iyagoo ugu dambayntiina iskugu soo ururay faras-magaalada Baydhabo halka loo yaqaano Afar-irdoodka.

Kumanaan dadweyne ah oo ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa iskugu soo baxay Afar irdoodka Baydhabo kuwaas oo daawanayay Nabadoonada iyo Malaaqyada khudbadaha ay jeedinayaan, waxaa kale oo goob joog ahaa qaybaha kala duwan ee Saxaafada haday ahaan lahaayeen kuwa gudaha iyo kuwa dibada intaba.

Munaasabada oo bilaabatay 9:00 subaxnimo ayaa waxaanan jirin wax goob ganacsi ah ama goob waxbarasho oo gelinkii hore furnaa iyadoo dhammaan dadkii Baydhabo ku dhaqnaa ay isugu soo bexeen si ay u daawadaan Nabadoonada iyo Malaaqyada, waxaana la arkayay dadweyne uu fagaaruhu ka buuxsamay oo saaran dabaqyada dhaadheer ee Magaalada Baydhabo.

Nabadoonada iyo Malaaqyada Baay & Bakool oo ku qalabaysnaa hubka nuucayadooda kala duwan ayaa sheegay in mudadii ay ku sugnaayeen deegaanka Daynuunaay ee ay Dowrada Diiniga ah qaadanayeen ay soo faa’iideysteen Duruus fara badan oo sare loogu qaadayo aqoonta ay u leeyihiin Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.

Nabadoonada iyo Malaaqyada oo dadweynaha la hadlayay ayaa sheegay in sidii Maamulka Islaamiga ah uu uga hanaqaaday gobollada Baay & Bakool mudo hada laga joogo 3 sano iyo dhowr bilood ay dareemeen Nabadgelyo iyo Ammaan kii ugu weynaa ee soo mara ebid iyadoo qabaa’illadii sida joogtada ah iskugu dili jiray gobolladaas ay hada si walaaltinimo ah kuwada noolyihiin gobollada la dariska ahna kula noolyihiin.

Ugu dambayntii waxay ballan qaadeen inaysan gacmaha ka laaban doonin duullaanada ay Itoobiya iyo Kenya gadaal kasoo riixayaan ee lagu doonayo in lagu dumiyo Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Baay & Bakool iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen inay naf iyo maalba u bixin doonaan sidii aysan mar dambe dib ugu soo laaban lahayn fowdadii iyo ammaan xumadii ay hore uga soo gudbeen.

Kumanaankii dadweynaha ahaa ee kasoo qayb galay isku soo baxa lagu soo dhaweynayay Nabadoonada iyo Malaaqyada Dowrada Diiniga ah soo dhamaystay ayaa si weyn ugu riyaaqay habka ay wax u dhaceen waxayna goobta ka dhaqaaqeen iyaga oo Takbiirsanaya isla markaana ay wajiyadooda ka muuqato farxad iyo rayn-rayn aan lasoo koobi karin

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)