Wararka Soomaaliya
Gacan ku heynta deegaanada B/Xaawo iyo Luuq ayaa waxaa isku heysta iminka dowladaha Eithopia iyo Kenya iyagoona doonaya midba midka kale in deegaanadaasi uu Maamulo
Pr. Maxamed Cabdi Gandi oo sheegay in uu wakiilka Kenya ee deegaanadaasi uu yahay ayaa ku andacoonaya in deegaanadaasi uu isag Maamulayo halkaasina ay la wareegayaan ciidamo Kenyaan ah uu wato wuxuuna ku andacoonaya gandi in deegaanadaasi uu isaga ka saaray Mujaahidiinta Al Shabaab sidaa awgeedna ay tahay in isaga iyo ciidamada Kenyaanka ah ee uu wato inay la wareegaan deegaanadaasi wuxuuna ku goodiyay in halkaasi uu ku arki karin cid taabacsan TFG-da iyo Eithopia isagoona Sheegay in halkaasi Maamul uu u dhisayo kaas oo ka shaqeyn doono deeganadaasi
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah wakiilka TFG-da iyo Eithopia ayaa sheegay in halkaasi cagta uu soo dhigi karin Maxamed Cabdi Gandi iyo waxa uu wato halkaasina Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka ceyriyeen Ciidamada Eithopia iyo kuwa anigu ayaa watay ayuu yiri Kaliil
Wuxuuna sidoo kale wakiilkaasi uu sheegay Maamul uu Gandi Soo Magacaabay iska daayee in qudhiisa uu lugta soo dhigi karin gobolka Gedo
Waxaana hadaladaan ka soo kala yeeraya wakiilada dalalka Eithopia iyo Kenya ee Gobolka Gedo ayaa muujinaya colaada ka dhaxeyso dowladahaasi Cadowga ah ee ku aadan cida xukumi laheyd deegaanada yar
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com)
ee gacanta ku hayaan oo ka tirsan gobolka Gedo





