Dhalan Yarada Ku Nool Dalka England Oo Wacad Ku Maray In Sh. Bashiir Axmed Salaad Ay U Soo Dhaweyn Doonaan Sidii Ay U Soo Dhaweeyeen Dhalan Yarada Mareekanka Ku Nool Sh. Maxamed Idiris

0
679

Wararka Soomaaliya

Bashiir Axmed Salaad oo isku koox ay yihiin Sh. Maxamed Idiriiskii ku fashilmay Tashkiilin uu doonayay in uu ku sameeyo dhalan yarada ku nool Mareekanka ayaa waxaa uu ku sii jeedaa Dalka England

Bashiir Axmed Salaad ayaa lagu wadaa todobaadyada soo socda inuu aado Dalka England halkaas uu doonayo in uu ka smeeyo Muxaadarooyin wadada saxda ah loogu jeedinayo Dhalan yarada Soomaaliyeed ee xaqa fahansan kuna sugan Dalka England

Dhalan yarada ku nool Dalka England kuna Taxan Masaajida Dalkaasi oo la soo xiriiray Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa wacad ku maray in Bashiir Axmed Salaad uu la kulmi doono wacdaro la yaab leh kana daran wacdaradii uu la kulmay Maxamed Idiriis

Afhayeen u hadlay Dhalan yaradaasi oo Magaciisa la yiraahdo Maxamed Ismaaciil C/laahi kuna sugan Magaalada London ayaa u sheegay Warsom inay heleen qorshaha uu damacsanyahay Sh. Bashiir Axmed Salaan arintaasina ay diyaar u yihiin ka dhiidhinteeda isagoo hadlayay Maxamed Ismaaciil ayaa wuxuu intaa ku daray in diyaar gorowgii ugu dambeeyay ay ku jiraan Iminka isla markaana ayna u suurtoobeynin Bashiir Axmed Salaad qorshaha Dowladda England ay ka dambeyso oo loo soo xilsaartay Sh. Bashiir Axmed Salaad iyo groupka Al Ictisaam wuxuuna xusay inay hayaan cadeymo cad uu ku sheegay in wadaadadaan ay dabada ka riixan yaan dowladda Gaalada England iyo dowlado kale oo Gaala ah

Sh. Bashiir Axmed Salaand ayaa iminika u diyaar garoobay u baqoolista dhankaasi England waxaana ku jirta cabsi ku aadan in uu la kulmo wacdaradii uu la kulmo saaxiibkiis Sh. Maxamed Idiriis

Horay ayaa waxaa England isku dayay Muxaadarooyim bulshada lagu qaldayo taas oo laga baahinayo TV afka Yuhuuda ku hadla hasa yeeshee Soomaaliy ay ka shaqeeyaan iyo meelaha dadweynaha ay iskugu yimaadaan qaarkood ka jeedinayay wadaado kale oo la adeegsaday ayna adeegsadeen Hay’ad fadhigeedu uu yahay England waxaana ka mid ah wadaadadaasi Sh. Axmed Khudubi oo ka mid ahaan jiray ururka Al Islaax iyo Sheekh kale oo Magaciisa lagu sheegay Jacfar waxayna ku fashilmeen iyoaga iyo Hay’adii taakuleneysaba qorshihii ay wateen oo ay ka diideen Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee ku nool Dalka England

Hasa yeeshee Bashiir Axmed Salaad wuxuu kala kulmo Dalka England waa la ogaan doonaa waxana Dhawaan Magaalo ku taal Mareekanka waji gabax fool xumo kula kulmay Maxamd Idiriis oo Masjid ku yaal Mareekanka ku qabtay Maxaadaro doonayana inuu ku taageero qorshaha Mareekanka Soomaaliya uu ka leeyahay iyo TFG-da Shariifka uu hogaamiyo arintaas oo ay ka biyo diideen Jamaacadii Masaajidka joogtay iyo dad u yimid dhageysiga Muxaadaradiisa waxaana Maxamed Idiriis Masaajidka uu ka baxay isagoo careysan sharaftiisana ay dhuntay wuxuuna xilligaasi sheegayay in Dalka Soomaaliya ay bur buriyeen Soomaali xilligaasi oo ay dhankoodi ku dhawaaqayeen dadkii Muxaadarada dhageysanayay Soomaali waxaa bur burisay Gaalo

Bashiir Axmed Salaad iyo halka uu ku dambeeyo socdaalka uu baqoolayo kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com