Augostin Mahiga Oo Muqdisho Soo Gaaray Kulamana La Qaatay Hogaanka TFG-da Keena Warqad Ay Ku Qoran Yihiin Wasiirada Xukuumadda Cusub

0
643

Wararka Soomaaliya

 

Augosin Mahiga oo ah Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimaha Soomaalya ee Qaramada Midoobe hasa yeeshee isku heysta in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Socdaal ku soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo dabadeedna wuxuu kalumo uu la kala yeeshay Madaxweyne Shariifka Soomaaliya R/wasaaraha Soomaali Ameerikaanka C/wali Gaas iyo Gudoomiya Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan kulamadaan oo ahaa mid si gooni gooni ah uu kula kulmay Augosin Mahiga hogaana TFG-da

Warar ay ka heshay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ka hor inta Mahiga uu ka soo baxin xafiiskiisa Nairobi ayaa waxay u xaqiijinayaan in uu soo qaaday warqad ay ku qoran yihiin Magacyada Wasiirada Xukuumada Cusub ee TFG-da kuwaasi uu kala soo tashtay wadamada gumeysiga ku haayo Soomaaliya inay kala yihiin Ugandha Eithopia Burundi iyo Mareekanka kuwaas qaab 4.5 ah ku qeybsaday wasiirada cusub iyadoona dowladda Jabuuti 1 wasiir laga siinayo Xukuumada Cusub

Waxaana warqadaani uu hoos dhigay 3 Masuul ee ugu sareysa TFG-da kuwaasi oo uu ku amray inay saxiixaan wasiiradaani cusub waxaana Madaxweyne Shariif durbadiiba saxiixa uu ku duugay Xukuumada Cusub oo Mahiiga soo hor dhigay halka Shariif Xasan Sh. Aadan oo codsaday in 2 wasiir lagu daro warqada taas uu ka biyo diiday Mahiiga Isku heysta Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna dhankiisa saxiixay Warqada

ٌ

R/wasaaraha Soomaaliy Ameerikaanka Ah C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sida Madaxweyne Shariifka Soomaaliya oo kale horay ka saxiixay warqada una Sheegay Mahiiga inuu hore kaga dhawaaqi dooono Magacyadaan

Waxaana Sidoo kale Dhinacyadaan ay ka wada hadleen shir dhawaan lagu wado inuu ka dhaco gudaha Dalka Soomaaliya kaas uu soo qaban qaabiyay Gaalka Augostina Mahiga laguna dhameystirayo heshiiskii gumeysi u shaqeynta ahaa oo ay soo saxiixeen 2 Shariif

Xilli waliba oo ay kulmaan Hogaanka TFG-da iyo Saraakiil Gaala ah ayaa waxay saxaafada u sheegaan wax aan jirin iyagoona isku daya in ay qaldaan indhaha iyo dhagaha bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed waxaa Mahada oo idil ay sugantaha Allaha Sirta iyo dhagarta ay damacsanyihiin Gaalada reer Galbeedka Fashila

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com