Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Ku Eedeeyay Khaain Cali Ameerika In Uu Ku Bixiyay Lacag Ka Badan Hal Malyan Iyo Bar Munaasaba 26ka June Oo Muxuu Ugu Bixin Waayay Dadka Dhibaateysan Ee Ku Sugan Xerooyinka Dalka Kenya

0
212

Wararka Soomaaliya

 

Cali Maxamed Nuux (Timo Jilac) oo ah gudoomiya ku xigeenka xisbiga Jamhuuriga Soomaaliyeed oo maanta war fidiyeenada shir jaraaid ugu qabtay Magaalad Muqdisho ayaa ka hadlay todobaadka xoriyada oo maalmahaan ay u dabaal dagayeen inta taageersan gumeystaha

Mudane Timo Jilac ayaa ku sheegay shirkiisa jaraaid in Soomaaliya gumeysi ay ku jirto dowladaha Ugandha iyo Burundi ay Soomaaliya qabsadeen ayna dooneynin in dalka ay ka baxaan wuxuuna xusay in askarigii ka dhinto ay ku doonayaan lacag fara badan kan ka dhaawacmaan ay ku doonayaan lacag kale lacago waligoodii Mushaar ahana ayna u qaadaan ay qaataan hada Madaxa shacabka Soomaaliyeed Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa is weydiyay waxa hortaagan in lagu bixiyo lacagaha lagu bixinayo ciidamada Shisheeye ee soo duulay ciidamada Soomaalida sidaas awgeed wuxuu Cali Timo Jilac sheegay in aan la joogin xilli loo dabaal dago todobaadka xoriyada sidaas awgeedna ay mudantahay in lala dagaalamo shisheeyaya soo duulay ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Dhanka kale Cali Maxamed Nuux Timo Jilac oo ka hadalayay shirkiisa jaraaid ayaa si kulul ugu eedeeyay khaainka cali Ameeriko ee sheegta inuu yahay safiirka soomaaliya u fadhiya dalka kenya in qarashaad fara badan uu ku bixiyay Munaasaba 26ka June soona daabulay dad qaxooti ah oo ku sugan xerooyinka qaxootiga ee dalka Kenya wuxuuna ku tilmaamay arintaasi inay tahay mid fool xumo lagagana baahnaa Khaainka Cali Ameerika qarashaadka uu ku bixiyay munaasaba 26ka June iyo soo daabulida dadkaasi qaxootiga ah in ku caawiyo dadka dhibaateysan wuxuuna mudane timo jilac sheegay in afkiisa ka qirtay hal milyan iyo bar qarash ah inuu ku bixiyay munaasabadaasi taas oo noqotay mid lala yaabo wuxuuna ugu baaqay shacabka falalka foosha xun uu ku dhaqmayo khaainka Cali Ameerika inay ka hortagaan

Sidoo kale Gudoomiya ku xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa wuxu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is caawiyaan isla Markaana la taageero dadka Dhibaateysan oo Saameynta ku yeelatay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya wuxuuna xusay in Soomaalidu ayna jirin cid u maqan ayna isku tiirsanaadaan

Hadalkaan Cali Maxamed Nuux Timo Jilac ayaa imaanaya xilli Khaainka Cali Ameerika uu dhaco hantida ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed waxaana Ameerika ku filnaan weysay lacaga uu kaga soo qaato Magaca Shacabka Soomaaliyeed Hay’adaha gaalada ee ku sugan dalka kenya

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)