Shabaab Al Mujaahdiin Maa Dalka Laga Xureynaa Mise Waxaa Mudan In Dalka Laga Xureeyo Banda Akunda

0
221

Warark Soomaaliya

Maanta oo ah 26-ka June oo ku asteysan 51 guuradii la sheegay in Soomaaliya xurnimo ay qaadatay ayaa maanta oon joogno 26ka june Sanadda 2011-ka ma Xurnimo ayay Soomaaliya heysataa ama Gumeysi ayay ku jirtaa?

Magaalada Muqdisho aynu joogno waxaa ku sugan Gumeystaha la sheegayo in laga xureeyay Soomaaliya kuwa ka xun oo ay soo adeegsadeen kana socda Dowlado Afrikaan ah kana cadowtinima badan gumeystihii Ingriisiga iyo Talyaaniga

Waxaa isweydiin Mudan Gumeystiyaashii Engiriiska iyo Talyaaniga Ma BM Ayay heysteen? Ma Madaxtooyaday ku sugnaayeen? Ma dowlad Soomaali Sheeganeysa ayaa gacan siineysay? Su’aalahaasoo idil jawaabtooda waa maya xasuuqa ay geystaan ciidamada Dowladaha Ugandha iyo Burundi ee xooga ku jooga Magaalada Muqdisho waa mid aan la soo koobi karin maalin Alla keenana Muqdisho way ka geystaan mana jirto cid is weydiisay

Go’aanada TFG-da waxaa laga soo gooyaa Magaalooyinka Kampala, Bujambuura iyo Magaalada Adis-Ababa waxayna ku shaqeeyaan hogaanka TFG-da amaro loo soo yeeriyo cid tixgilisa rabitaankoodana ma jirta kamana hadli karaan xasuuqa Muqdisho ka socda hadaba Ma aanagaa xor ah?

Waxaa isweydiin Mudan dadka qaarkiisa sidee bay xornimo u yaqaaniin, Ma xurnimadaa ah in walaakaaga BM Lagu garaaco adiga aad hoos joogto cadowga wuxuu ilaahey ogyahay anagana aan ognahay in hada aan ku jirno gumeystayaashii Talyaaniga iyo Engiriiska Mid ka xun

Hadaba Ma Mujaahdiinta Shabaab  oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo inta caqliga leh ay ogyahiin inay ka qeyb galeen dagaalo fara badan oo dalka lagaga xureynayay gumeystayaal heystay kana mid ahaa abaan duulayaashii hogaaminayay dagaalkii 77-kii dhaxmaray dowladda Cadowga Eithopia iyo Soomaaliya ayaa mudan in dalka Laga xureeyo mise Bandi Akunda iyo Ciidamada uu wato oo shacabka dhibaatada ku haaya daarihii Muqdishana bur buriyay xerayna goobihii ganacsiga eena ugu dambeysay suuqa weyn ee bakaaraha ayaa mudan in laga xoreeyo dalka?

Cida Mudan ayaa ah Bandi Akunda iyo inta raacsan in laga xoreeyo dalka Soomaaliya ka dibna aan sheegano in aan heysano xornimo hasa yeeshee hada wax xornimo oo aan heysano ma jirtaa cidii dhahdana xornimaan heysanaa waa mid been sheegtay

اللهم وافقنا لماتحب وترضى

 

 

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 info@warsom.com & webmaster@warsom.com)