Wararka Soomaaliya
Wariye Jamaal Maxamed Cusmaan oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed kuwaada ka shaqeeya warbaahinta Caalamiga ah aya soo bandhigay illaa 3 barnaamij uu kaga hadlay xaalada dalka soomaaliya
waxaana barnaamijyadaasi kamid ahaa Barnaamij uu kaga hadlay abaaraha saameeyey soomaaliya iyo barnaamij uu kaga hadlay xaalada adag ee kushaqeeyaan Darawalada baabuurta Ambalaasta ah ee daabula dadka dhaawacyada ah ee ku waxyeeloowa dagaalada magaalada muqdisho ka socda waxaana barnaamijyadaasi si weyn ula dhacay Malaayiin ka tirsan bulshada caalamka iyo kuwa soomaali ah
waiye jamaal ayaa barnaamijyadaani wuxuu udiyaariyay mudo kayar hal todobaad, barnaamijka abaaraha ayaa waxaa lagu arkeyey dad iyo duunyo dhibaateesan oo saameen kuyeelatay abaaraha soomaaliya
waxaana filinka laga siidaayey TV ga caalamiga ee Al-Jasiira qeybtiisa English-ka ah sidoo kale lagu arkayey mujaahidiinta Al-shabaab oo kaalmo siinaya dadka dhibaateesan oo ay saameenyu kuyeelatay abaaraha ka jirto soomaaliya.
waxaana deeqahaasi bixinayey Sheekh Suldaan Max’ed Ahlu Max’ed oo ah madaxa gurmadka ee mujaahidiinta al-Shabaab oo xiligaasi bixinayey Raashiin iyo Lacag laguna talo galay dadka saameenta ay kuyeelatay abaaraha saameeyay soomaaliya
Barnaamijka kale ee uu sameeyey Wariye jamaal maxamed cismaan ayaa wua uu ka diyaariyay darawalada kaxeesa baabuurta ambalaaska ah ee ka shaqeesa magaalada muqdisho
waxaana barnaamijkaasi lagu dhex arkaayay qaar kamid ah darawalada kaxeesa baabuurta ambalaasta ah oo daabulaya dhaawacyo ka dhashay madaafiic lagu garaacay meelaha qaar ee Muqdisho xilligaasi ayaa wariye Jamaal wuxuuu galayay xaalado qatar ah oo ku aadan goobaha barnaamijyada uu ka sameynayay wuxuuna darawalada uu ka wareystay qatarta ay ku shaqeynayaan
Sidoo kale wariyaha ayaa booqday isbitaalda waaweyn ee Muqdisho qaarkood halkaasi uu kala kulmay bukaanada isbitaaladaasi ku jira qaarkood oo ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho ka socda
Wariye Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa Barnaamijyadaan waxuu ku sameyay mudo ka yar hal todobaad wuxuuna ka mid yahay wariyaasha ugu caansan Soomaaliya marka loo eego wariyayaasha ka shaqeeya warbaahinta Caalamiga ah
Dhawaan ayay aheyd markii baraanmijyo kale uu u sameeyay TV-ga Channel 4 oo uu saldhigiisa uu yahay Dalka England waxaana wariyayahaani uu soo booqdaa xilli waliba dalka Soomaaliya isagoona barnaamijyo ka sameeya goobaha gacanta ay ku haayaan Mujaahidiinat Al Shabaab iyo goobaha ay ku sugan yihiin TFG-da iyo waliba Maamulada Taageersan
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





