بسم الله الرحمن الرحيم
Wararka Soomaaliya
Wariyayaashaan oo ka howla gala warbaahinta Muqdisho qaar kood ayaa qeylo dhaan waxay ka muujiyeen tacdiyo dhanka shuruurka ah ay kala kulmaan saraakiil ka tirsan wasaarada Warfaafinta waxayna sheegeen wariyayaashaani in shuruurka uu yahay wax xun ah hasa yeeshee nolol maalmeedka ay ka raadsadaan shuruurka markay dhaqaalo ku filan ka helaan warbaahinta ay u shaqeeyaan sharuurka ay joojin doonaan
Hasa yeeshee waxay walaac ay ka muujiyeen saraakiil ka kala tirsan Wasaarada Warfaafinta Xafiiska R/wasaaraha iyo Xarunta Madaxtooyada oo ay ku eedeeyeen in ay ka dhacaan shuruurka oo ah wax xun oo loo soo dhiibo ay ka sii dhacaan waxayna ugu baaqeen saraakiishaasi in ay ka joojiyaan ka dhacista ay ku haayaan shuruurka loo soo dhiibo
Waxayna sidoo kale ay sheegeen lacag ku dhow $1000 oo shuruur ahaan ay kaga helaan 3 barnaamij ay sameeyeen hal maalinoo qura uu afka u dhigtay sarkaal ka tirsan Wasaarada Warfaafinta uuna is ogyahay kana codsanayaan inteysan sharciga geynin uu sharuurka uu ka dhacay uu u soo celiyo waxayna wariyaashaani sidoo kale ay ka andocoodeen saraakiil ka tirsan xafiiska R/wasaaraha iyo xarunta madaxtooyadauna qaabilsan dhanka warfaafinta oo ay ku eedeeyeen in ay shuruurka loo soo dhiibo qaar kood ay dhacaan waxayna baaq u soo jeediyeen Madaxweynaha, Xafiiska R/wasaaraha, Wasaarada Warfaafinta in wax laga qabto cabashadooda ku aadan dhanka shuruurka
Hadaba Shuruurka oo ah wax aad u xun qofkii bartaana heer saxaafada uuna ka gaarin ayaa waxaa ka sii xun wariyaha shuruurka qaadanayo ninka meel u fadhiyo inuu dhaco uu afka dhigto Shuruurka wariyaha loo soo dhiibay
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





