sheekh Cabdi Casiis Abuu muscab oo faahfaahin ka bixiyay dagaalo ay Mujaahidiinta ku qaadeen Garba haarey

0
239

Wararka Soomaaliya

cutubyo katirsan mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degmada garbahaayey ee xarunta Gobolka Gedo

wararka ka imaanaya duleedka degmada Garbahaarey ayaa sheegaya i halkaasi dagaal culus uu ku dhexmaray Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Ciidamada TFG-da oo ay kaabayaan ciidamada dowlada cadowga ah ee itoobiya

Sh. C/casiis abuu muscab oo ah afhayeenka Militariga Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in guulo waaweyn ay ka gaareen Mujaahidiinta Dagaalkii xalay kadhacay duleedka degmada Garbahaarey, wuxuuna afhayeenka uu sheegay in dagaalkaasi ay kudileen saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan TFG-da iyo kuwa itoobiya.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale xusay inay gubeen gawaari dagaal oo ay leeyihiin dhinacyadii ka soo horjeeday

Dhanka kale Goobjooga yaal kusugan goobihii ay dagaalada ka dhaceyn ayaa usheegay Wakaalada Wararka soomaaliyeed ee Warsom in Qasaaro xoogan uu soogaaray ciidamada TFG-da iyo kuwa itoobiya oo laweeraray.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale xaqiijinaya in hada ay degantahay Degmada Garbahaareey oo uu dagaalka ka dhacay.

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)