Wararka Soomaaliya
Ka dib war ka soo baxay Wasaarada Arimaha gudaha oo lagu joojinayo dibad baxyada Muqdisho ka socda ayaa maanta mar kale waxay isku dayeen kuwii Farmaajo uu ku shaqeysanayay in ay kiciyaan haweenka iyo caruurta waxayna soo qaateen gawaari Makroofano ay ku xiran yihiin kuwaasoo ku baaqaya in dadka ay soo baxaan si dadkaasi danahooda ay ugu fushudaan hasa yeeshee durbadiiba waxaa meesha soo gaaray ciidamada amaanka oo kaxeeyay kuwii qaska waday iyo in yar oo la soo qalday oo la socotay kuwaasi oo u badnaa haween iyo caruur yar yar ah oo laga soo waday dugsiyada Qur’aanka lagu barto ee Muqdisho
Dibab baxyadaan ujeedooyinka siyaasadeed lahaa ayaa maanta waxaa lagu guuleystay in gabi ahaanba la joojiyo
Waxaana inta ay socdeen dibad baxyado ay bur bur baahsan u geysteen goobo ganacsi oo fara badan sida Hotelka Weyn ee Madiina oo maanta 52 qol ku taala oo midkood aan la seexan karin
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641




