Weriyayaasha Sharuurka Ku Waashay ee Hanad Cali Guuleed, Xasan Matoore Iyo Cawil Golo Diid oo Dacwad ka Gudbiyey Afhayeenka Gobolka Cariig.

0
262

Ka Dib Markii ay Soo Ifbaxeen Tuhuno ay qabaan weriyaal Ku waashay Sharuur Kaasoo Ku Aadan In Afhayeenka Gobolka banaadir Mudane Maxamed C/laahi Cariig uu musuq maasuqo Lacagaha Sharuurka ee Loo Soo mariyo Dhankiisa ayaa waxaa dacwad Lagu Gudbiyey Mudane Cariig.

Weriyayaashaan oo aad U fara badan ayaa waxa ay wakiisheen 3 ka Mid ah Kuwa Ku Doodaya In uu Dhibaato Ku hayo afhayeenka Gobolka Cariig Waxa ayna dacwad U Gudbiyeen waaxda maaliyada ee Gobolka banaadir.

Shaqsiyaadka la Wakiishay ayaa waxa ka Mid ah Hanad Cali Guuleed, Xasan Matoore Iyo Cawil Golo Diid waxa ayna Iyagoo Sita warqad dacwada Tageen xafiiska maaliyada Gobolka banaadir.

Tuhunada ay Qabaan Weriyayaashaasi ayaa waxaa ka Mid ah In 50% lacaga Loo qaato In warka lagu Buun Buuniyo uu qaato Afhayeenka Gobolka maxamed C/laahi Cariig 50 Kalena uu U qaybiyo saxafiyiinta.

Waaxda maaliyada oo ah halka dacwada la Geeyey ayaa ka dalbaday Weriyayaasha In ay Dib U Soo laabtaan maalinta tallaada waqtigaaso loo yeeri doono Mr Cariig oo ah Mudanaha dacwada Laga Gudbiyey Iyadoo aanan la Ogeyn Eedeymaha Loo Jeedinaya Cariig In ay Run Yihiin Iyo In AY Been Abuur tahay.

Kuma Koobno oo kaliya Mr Cariig Shaqsiyaadka La Tuhunsan yahay In ay Lunsadaan lacagaha sharuurta ee lagu buunbuuniyo masuulka warka laga soo qaaday balse waxaa jira wariyaal kale oo iyana dhankooda qaba cabasho la xiriirta arimaha sharuurta kuwaasi o cabashadooda u jeediyay xoghayeenada madaxweynaha iyo raisulwasaaraha shaqsiyaadka oo kala ah Wehliye oo ka shaqeeya xafiiska Shariif iyo Garaad oo ka shaqeeya xafiiska Farmaajo.

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com