Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Khaarajiyey Saraakiil Ka Tirsan TFG-da Iyo Ciidamo Ethiopian ah

0
253

Wararka laga Helaya Duleedka Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa Sheegayaa In Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay Waddada U Galeen Kolonyo Gawaari Ethiopian ah Iyo Kuwa Soomaali ah Oo Ka Soo Ambabaxay Degmada Garbahaarey Kuna Sii Jeeday Luuq

Weerarkaan ayaa Waxa uu Ka Dhacay Meel 18km U Jirto Degmada Garbahaarey Waxaana Lagu Khaarajiyey saraakiil Soomaali Iyo Kuwa Ethiopian ah

Wararka ay Warsom ka Heleyso Degaankaasi ayaa Sheegayaa In Ciidamada La Weeraray ay Wateen 3 Gaari oo Nuuca Uuraalka ah Iyo Hal gaari Oo Qooqan ah

Wararku ayaa Waxa ay Intaa Ku darayaan In Weerarkaasi uu Dhaawac Culus Ka Soo gaaray Gudoomiyihii Degmada Deelow Soomaaliya Iyadoo saraakiil Kalena ay Ku Geeriyoodeen Kuwaasoo aan Magacyadooda baahinteeda ana Ku Raad Joogna

Mahan Weerarkii Ugu Horeyey oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku Qaadaan Ciidamada TFG Iyo Kuwa Ethioipia Balse waxaa caado Noqotay Weerarada Ceynkaan OO kale tan Iyo Markii ay Dowladda Ethiopia Iyo Kuwa TFG-da ay Duulaanka Ku Qaadeen Gobolka Gedo

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com