Qaraxyo Geestay Qasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Boosaaso

0
240

Qaraxyadaaan oo la la eegtay ciidamo ka tirsan TFG-da iyo kuwa Puntland ayaa ka dhacay maatna magaalada Muqdisho iyo Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ku sugan agagaaraka Ex-Control Afgooye waxaana goob joogayaal ay u sheegeen wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen in ka badan 4 askari halka ay ku dhaawacmeen tiro lagu sheegay 5 ka mdi ah Askarta TFG-da waxaana goobjoogayaasha ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid miino dhullka lagu aasay.

Dhanka Qaraxa ka dhacay Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday ciidamada BIS-ta ee Puntland waxaana warku intaa uu raacinayaa in qaraxa qasaaro xoogan u geystay ciidamada Puntland ee qaraxa lala eegtay inta la ogyahay waxaa qaraxa ku dhintay 2 ka mid ah Ciidamadii qaraxa lala eegtay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Waxaa caado ka noqotay Soomaaliya qaraxyada lala beegsanayo kuwa adeega Reer Galbeedka.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

info@warsom.com & webmaster@warsom.com