Shiikh C/Caziiz Abuu Muscab oo Shaaciyey In ay Dileen Horjooge Xasan Qoryooley Iyo Kooxda Ahlu Sunna oo Qiratay Geeridiisa

0
627

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab Shiikh C/caziiz Abuu Muscab ayaa Shaaca In ay Khaarajiyeen Horjaagaha Ahlu Sunna U Qaabilsnaa Gobolka Gedo Ahaana gudoomiye Ku Xigeenka kooxda Ahlu Sunna ee Koonfurta Soomaaliya Xasan Qoryooley

Abuu Muscab oo La Hadlayey Warbaahinta Gudaha ayaa Xusay In xasan Qoryooley ay Ku Dhaawaceen dagaaladii Ugu dambeeyey ee Gobolka Gedo isla markaan dhaawaciisa Loola Cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasina uu Ku Geeriyooday

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Kooxda Ahlu Sunna ayaa Qiray In ay xaqiiqo Tahay Geerida Xasan Qoryooley ka dib Dhaawac Culus Oo Ka Soo gaaray dagaaladii Dhawaan Ka Dhacay Gedo

Waxaa Galinkii Dambe Ee Shalay Lagu aasay M<agaalada Bambaso ee dalka Kenya

 

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953

  

info@warsom.com & webmaster@warsom.com