Hadalkaan ayaa Waxaa Maanta Shaaciyey Howl wadeenada Shabelle Radio Xili ay Maanta U Dabaal Dagayeen Sanad Guuradoodii
Iyadoo Ay Maanta Radio Shabelle U Dabaal Dagayeen Sanad Guuradoodii Isla markaan Barnaamij Gaar ah oo ay Si Wada Jir U Talan taalinayeen Xasan fantastic, Muxudiin Xusni, Ibraahim Iyo Bashiir Mire salaad Ayaa Waxa ay Kaga Hadleen Qaabkii ay Uga Soo Carareen Suuqa Ugu Weyn Soomaaliya ee Bakaaraha
Ibraahim oo ay Isku Heyb Yihiin Milkiilaha Shabelle ayaa Sharaxay Dhacdo Qabsaday Isaga habeenkii ay Soo Cararayeen Taasoo dad Badani Ka Qoslisay waxa ayna U Dhacaysay Sidan
” Anagoo Baqanayno Ayaa Waxaa Noo Yimid Yoonis ( Wiil Dhallinyaro ah oo ka Tirsan Mujaahidiinta Al Shabaab) Waan ka cararnay waxaan galnay Studio-ga waxaana haddana Na Soo Ceyrsaday Baranbaro Ileyn Idaacadu Waa faaruq Anaga Iyo Baranbaro Mooyee”
Sidoo kale Muxudiin Xusni oo Ka Tursan Shabelle Ayaa Isna Ku Cataabay Arin ka Weyn Caqliga Beni aadamnak oo ah In uu Ceelasha Biyaha Ku tagay Kastuumo Iyo garan Xili ay Halkaasina gacanta Ku Hayaan isla Al Shabaab oo uu bakaaraha Kaga cararay
” Markii aan wareeray oo ay Ila Soo Xiriireen shaqsiyaad ka Tirsan shabelle Igu Yiraahdeen Imaw X/weyne Ayaan Anigoo wato Kastuumo Iyo garan Ku Tagay Ceelasha Biyaha ( Haddaba caqli gal ma Tahay In Gaari lagu raaco kastuumo Iyo garan Xili ay Goob walbo Uu gaari marayo ay Joogaan Al Shabaab)
Dhanka kale Gudoomiyaha Shabelle C/Maalik Ingariis Ayaa qiray In ay Bakaaraha Kaga Soo Carareen Mujaahidiinta Al Shabaab isagoo Horey u Baahin Jiray in ay Dhaqaalahood Oo Liita aawadeed ay degenaan waayeen Bakaaraha
Shabelle ayaa Marki ay Soo Guurtay Isla markaan ay dabada la Gashay Amisom Ayaa waxa ay Bilawday In ay dacaayadeyso Dhinacyada is haya Iyo Siyaasiyiinta Kala Fikrad Duwan
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
info@warsom.com & webmaster@warsom.com Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953