Gaarigaan iyo Maleeshiyaadkii watay ayaa lagu soo bandhigay galabta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaana uu nuuca gaariga ahaa Cabdi Bile uu saaran yahay qore dhashiika ah waxaana gaariga saarnaa seddex Maleeshiyaad oo ka tirsanaa TFG-da kuwaasoo sidoo kale watay qoryo daba jeexya ah Ak47 iyo Rasaas Fara badan oo ay soo dhiibtay dowladda gaalada ee kenya
Maleeshiyaadkaasi oo saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo aya sheegay in ay ka soo goosteen deegaanka ceel waaq dhanka bu’aalana ay iska soo dhiiween dabadeedna la keenay Magaalada Kismaayo waxayna sidoo kale xuseen inay ka towba keeneen ficilka ay ku jireen oo ahaa ficil gaalnimo ah
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa durbadiiba u lacageesay gaariga iyo hubka ay wateen iyagoona hada ka mid ah Shacabka Muslimiinta ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
*(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)





