Ciidamo Waashay Meydad Iyo Dhaawacyo Oo Dhamaantooda Ka Tirsan Shisheeyaha Muqdisho Ku sugan Oo maanta Laga Duuliyay Garoonka Aadan Cadde

0
671

Ka dib dagaalo xoogan oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Muqdisho una dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada TFG-da oo ay kaabayaan kuwa Shisheeye ayaa maanta waxaa Magaalada Muqdisho laga duuliyay ciidamo ka tirsanaa dowladda Ugandha oo ku waashay dagaalada ka socda degmada howlwadaag

Waalida ciidamadaani shisheeye ayaa waxay timid ka dib qalqal iyo cabsi ka soo wajahday duulaanka ay ku qaaden suuqa bakaarah waxaana isla xilligii ciidamada waashay laga duulinayay garoonka Aadan Cadde sidoo kale waxaa lala qaaday tiro ciidamo oo ka tirsanaa shisheeyaha Muqdisho ku sugan oo ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalada Muqdisho ka soconayay

Ilo wareedyo oo ku sugan garoonka Aadan cadde ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Warsom.com in loo kala qaaday ciidamadaasi Magaalooyinka Neirobi Iyo Kambala Waxaana Magaalada Kambala loo qaaday Ciidamada Waashay iyo kuwa meydadka ah halka kuwa dhaawacana loo qaaday Magaalada Neirobi

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamadaani jabka iyo hooga soo gaaray in lagu qaaday illaa iyo seddex diyaaradood oo laga leeyahay Dalka Faransiiska

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*