Weerar qorsheysan ayaa xalay lagu qaaday goob uu ku sugnaa taliyaha birmadka gobolka Sool ee maamulka Soomaaliland.
Taliyahaani ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac ayadoona ay ku dhaawacmeen 2 qof oo rayid weerarkaasi ah ilaa iyo haatan ma jirta cid sheegatay masuuliyada lagu dhaawacay Taliyaha gurmadka ee maamulka Soomaali naceybka ee Soomaaliland.
Sida uu ku soo waramayo wakiil wareedka warsom ayaa soo sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray taliyihii xalay weerarka loo geestay waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka jiray magaalada Laasacaanood weeraro qorsheysan oo lagu qaar jinayay masuuliyiinta deegaankaasi ka howlgasha.
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(