Mujaahidiinta Al Shabaab oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Bacaad ee Duleedka Beledweyn

0
449

Cutubyo Ka Tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa Dagaal Kula Wareegay gacan Ku Haynta Deegaanka Bacaad Duleedka Beledweyne ee Gobolka Hiiran

Ka Dib dagaal Socday In Muddo ah ayaa Waxa ay Al Shabaab Kula Wareegan gacan Ku haynta Deegaanka bacaad ee Qiiyaastii 10KM Dhanka galbeedka Kaga Beegaan Isgoyska kala Beyr ee Duleedka Beledweyn

Deegaanka bacaad aaa Waxa ay Horey fariisin Ugu Ahayd Maleeshiyaad Si Gaar ah U Hubeysan oo Ka Amar qaata Dowladda Ethiopia Iyo Ciidamada Ethiopian ah

Maleeshiyaadka Iyo Ciidamadii Ethioipianka ayaa Waxa ay U baxsadeen Dhanka deegaanka Jawiil Iyo Deegaano kale oo ay Ku Sugnaayeen Maleeshiyaad Kale oo Ka Amar qaata saraakiil Ethiopian ah

Ma Jiro wax war ah oo ka Soo baxay Maleeshiyaadkii Lagala wareegay Deegaanka Bacaad marka Laga Reebo Shaqsiyaad Sheegay In ay Ka Tirsan Yihiin Maamulka Dooxada Shabelle

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)