Labada Xukuumad ee ugu dambeeyay Sharma’arke iyo Farmaajo oo Cashir Cusub laga bartay

    0
    607

    Labada Xukuumad ee ugu dambeeyay Sharma’arke iyo Farmaajo oo Cashir Cusub laga bartay

    Warbixin iyo Faalo Is Wadata

     

    Posted On:

    Tuesday 26 April 2011  (Warsom) Mogadishu

    Labadii xukuumadood ee ugu dambeysay sida tii Sharma’arke iyo tan Farmaajo ayaa waxay noqdeen kuwa cashar cusub laga bartay oo waxay dalka ka dhigeen “Xaraash iyo xoolo jaban” kadib markii ay shirkado shisheeye ah la galeen heshiisyo sharci darro ah oo ay dhaqaale badan ku qaateen.

    Shirkadahaas oo isugu jira noocyo kala duwan ayaa dhammaantoodba waxa ay u shaqeeyaan sida ciidamada oo kale, waxay qabtaan hawlaha Meliteriga mana lahan qanuun ay hoos yimaadaan ha ahaado mid caalami ama mid wadanba, taasna waxay sababtaa in ay sameeyaan xadgudubyo aad u daran sida xasuuq iyo dhibaato ay deegaanka u geystaan.

    Shirkadahaas waxaa kamid ah Black Water, Saracen, Drum Cusac, AEGES iyo kuwo kale.

    Dhinaca kale waxaa jira Shirkado kuwaas u fududeeya hawshooda sida Saadka iyo gaadiidka, sirdoonka, dhinaca isgaarsiinta iyo dhexgalka dadka u dhashay dalka ay ka dhex shaqeeyaan.

    Shirkadahaas Khaaska loo yahay ama Calooshood u shaqeystayaasha ayaa umuuraha lagu garto badanaa waxaa ugu horeeya, waxay ka shaqeeyaan wadamada ay dagaaladu ka jiraan (dagaaladaas oo ay abuureen wadamada dagaal oogayaasha ah), waxay wakiil ka yihiin ama ciidamo u yihiin Wadamada Mareykanka iyo Yurub oo inta badan huriya dagaalada aduuna ka jira gaar ahaan wadamada islaamka.

    Aasaasayaasha ama madaxda maamusha shirkadahani waxay aalaa ka mid ahaan jireen ciidamada khaaska ama kuwa sirdoonka Yahuuda, Mareykanka ama Yurub siiba CIA, JIC, SBS, SAS iyo kuwa Koonfur Afrika laga leeyahay ee lasoo shaqeyn jiray dowladii Midab kalasooca ku dhisnayd.

    Dowlada Meel ku gaarka ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay Jabuuti ayaa waxay caado ka dhigatay in ay si sir ah heshiis ula soo gasho shirkado shisheeye, kuwaas oo marka dambe kusoo shaac baxa is qabqabsiga ay madaxda DFKM isku qabsadaan dhaqaalaha ka yimaada ama laga helo shirkadahaas wadanka laga iibiyey.

    Waxaa kale oo jira shirkado aad u badan oo ay heshiis la soo galeen Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo reer Yurub kuwaasoo shirkadaha kula tacaamula magaca dowladda Kmg ah.

    SKA Air & Logistics ayaa 01/02/2011 si rasmi ah uga hawl bilawday Garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde International Airport. Shirkadan oo heshay heshiis 10 sano ah ay ku maamulayso Garoonka iyo Dekada magaalada Muqdisho oo ahaa labadii ilood oo ugu muhiimsanaa caasimada Wadanka Soomaliya, dhanka kalana waxay ahayeen ilaha kaliya ee dhaqaalaha tooska kasoo galo DFKM.

    SKA Air Logistics waxaa la aasaasay sannadkii 2003, wax yar ka dib duulaankii ay Mareykanka iyo xulufadiisu ku qaadeen wadanka Ciraaq,

    Waxaa aasaasay Mike Douglas oo horay uga tirsanaa ciidamada khaaska ah Badda ee Dalka Ingiriiska SBS, Waxa uu sidoo kale Mr Douglas ka mid ahaan jiray ciidamada khaaska ah ee wadanka Koonfur afrika,

    Sida caadada u ah ragga ka taga shaqada ciidamada khaaska loo leeyahay ka shaqeyn jiray ama Ciidamada sirdoonkaba waxa ay sameeyaan oo ay shaqo ka raadsadaan shirkado calooshood u shaqeystayaal ah, sababta oo ah raggani lama qabsan karaan maamul iyo kala dambayn dowladeed, Shirkadahaas ayaa had iyo goor raadiya inay qandaraas ka helaan si ay uga shaqeeyaan wadamada dagaaladu ka jiraan, waxa ay sidoo kale ogyihiin dhaqaale aan caadi aheyn oo laga helo shirkadahaas calooshood u shaqeysta yaasha ah oo wakiilo ka ah wadamada islaamka ee dagaaladu ka jiraan.

    SKA Air Logistics oo Xarunteedu tahay Dubai wadanka Imaaraadka Carabta, Waxa kale oo ay isticmaashaa magacyo kala duwan sida SKA Air & Logistics, SkyLink Arabia, SkyLink Aviation oo ay uga diiwaan gashan tahay wadamada kale oo ay ka shaqeyso sida Kuweyt, Afganistan iyo Ciraaq.

    SKA Air & Logistics waxa ay ciidamada huwanta ah ee xooga ku jooga Ciraaq iyo Afganistaan ka caawinayaan keenida iyo qaybinta Sahayda ciidamada, gadiidka cirka iyo dhulka, dhismaha xerooyinka ciidamada ama teendhooyinka, Keenida iyo qaybinta shidaalka, Keenida lacagaha Kaashka ah iyo daad gureynta dhaawaca ciidamada.

    SKA waxay qaban qaabisaa safarada Saraakiisha sar sare uu Xulufada Mareykanku hogaamiyo ay ku tagaan wadamada ay dagaalka ka huriyaan ama ay rabaan in ay ka hawl galaan,

    Waxa ay sidoo kale hawlahooda u fududeysaa Saraakiisha iyo hawlaha Un-ka oo iyagana ku hawlan fulinta qorshaha Mareykanka.

    Shirkada SKA waxa kale oo ay qandaraas hoosaad iyo wada shaqeynaba ka dhaxeysaa Shirkado Ciidameedka gaarka loo leeyahay ee ka hawl galaya Soomaaliya, ciraaq iyo Afganistaan oo ay ka mid yihiin Saracen, AEGIS (Aegis Defence Services) (Black Water) iyo kuwo kale oo badan.

    Heshiiska dhexmaray Shirkada SKA iyo Maamulka Dowladda meel ku gaarka waxaa la sheegayaa inuu dhexdhexaadiye ka ahaa Lafras Luitingh oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Saracen International oo horay heshiiska ula galay DFKM iyo Erik Prince oo isna ahaa Mulkiilaha Xe (Black Water) oo isaguna ah ninka isku xiray Dowladaha carbeeed ee dhaqaalaha siinaya Saracen, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo uu deggan yahay iyo Shirkada Saracen, Erik prince waxa uu hada u biro tumanayaa sidii Shirkado badan oo caloshood u shaqeystayaal ah sida Xe (Black water) oo cusub uu wadankeena u keeni lahaa isaga oo taageero ka helaya wadamo carbeed iyo TFGda.

    Sida wararku sheegayaan waxaa jiray kulan dhexmaray Sadexda Mas’uul ee ugu sareeyey DFKM (Labada Shriif iyo Ra’isal wasaarhii hore Cumar Cabdirashiid) iyo ninka u sareeya SKA (Mike Douglas), kulankaas oo ka dhacay Dubai oo ah Xarunta SKA, ayaa horu dhac u ahaa heshiiska dhexmaray DFKM iyo SKA, hadii la soo koobo taariikhda heshiiska TFGda iyo SKA waa sidan:

    Waxaa shirkada SKA la saxiixday heshiis asagoo matalaya dowlada Somalia Mr Mohamoud Shiikh Ali oo ahaa Maareeyaha Saadaasha Hawada ee DFKM ah ee garoonka Aden Cadde, waxeyna kala saxiixdeen asaga iyo Shirkada taariikhdu markay ahayd 28 June 2010.

    05/08/2010 waxaa isna qoray Qoraal rasmi ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFKM oo uu ku cadeynayo in heshiiskaasi kor ku xusan uu yahay heshiis sax ah oo ay dowladu la socoto laguna heshiiyey Dubai, heshiiskuna uu saameynayo dekada Xamar iyo Gegida Dayuuradaha ee Muqdisho.

    Taariikhdu marki ay ahayd 28/08/2010 wuxuu qoray Raiisul Wasaarihi hore warqad uu ku tilmaamayo in warqadi hore ay ku jirto khalad oo aynan heshiiska ka mid ahayn Dekada balse ay ku eg tahay oo kaliya Garoonka dayaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho.

    Waxaa sidoo kale qoraal rasmi ah sameeyey 09/10/2010 Wasiirkii hore ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo uu ku tilmaamayo in Shirkada SKA ay si nidaamka waafaqsan usoo marin la wareegida maamulka Dekada .

    Waxaa isagana taariikhdu marki ay ahayd 12/10/2010 warqad ku socoto Qareenka Guud u qoray Wasiirka Maaliyada ee Dowlada Federaalka KMG ah Mudane Xalane taas oo uu ku tilmaamayo dhowr arimood oo aan heshiiska lagu aqbali karin dhinaca Dowlada, arimahaas oo kala ah:

    · In Marka horeba dekada aynan ku jirin heshiiska.

    · Dowlada oo ku meel gaar ah waqtigeeduna ka harsan yahay bilo aad u yar sidaa darteed dowladdu awood uma laha in ay gasho heshiis noocan oo kale ah.

    · Heshiiskani in uusan soo marin nidaamkii saxda ahaa oo ah in mar hore la soo mariyo golaha Wasiirada iyo golaha Barlamaankaba markii ay ka soo doodaan islamarkaana ay wax ku daraan ama ka dhimaan ay ka dib soo ansixiyaan si loo meel mariyo heshiiska. Sidaa darteed ayan marna suurtagal ahayn in heshiis heer caalmi ah ay galaan madaxda.

    · Qeybta u dambeysa ee uu wasiirku ka hadlay in ay tahay kala qeybsiga lacagta ka soo xaroota Airporka oo heshiiska lagu qoray in Shirkada ay qaadato 70% dowladuna ay qaadato 30% taas oo uu sheegay wasiirku in aysan ahayn maslaxada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed toona, oo aan marna la aqbali Karin.

    Waxaa intaasi ka dib kala saxiixday heshiis mar labaad Shirkada SKA iyo Maareeyha Guud Maxamuud Shiikh Ali oo matalay dowlada federalka 31/10/2010, Waxaa heshiiska goob jooge ama marqaati ahaan ugu saxiixan Wasiirka Maaliyada ee dowlada ku meelgaarka ah Mudane Xalane. Hadaba waxaa isweydiin mudan su’aalihi uu ku xusay wasiirka warqadiisi uu qoray 12/10/2010 wax Malaga qabtay ? mise weli waa taagan yihiin ?.

    Heshiiska waxaa uu kaga duwan yahay kii hore waxaa la xusay keliya lacagta ay shirkada siineyso dowlada iney tahay mid hormarin ah taas oo dhan Hal milyan doolarka Maraykanka ah. Su’aalihi kale ee uu xusay wasiirka maaliyada iyo kuwo kale oo fara badan oo Baarlamaanku isweydiinayaan intaba waxna lagama qaban lamana soo hadal qaadin.

    Waxaa iyana in la is weydiiyo mudan shirkadani ee iyada la siiyay awoodda maamulka airporka Muqdisho maxay iyadu siineysaa dowlada amaba siisay marka laga togo halkaa milyan oo ay rabto in gadaal looga celsho? Haba yaraatee heshiisku ma xusaayo imisa lacag ah oo ay shirkadu ku maalgelinaysaa airporka? Wax haba yaraatee shuruud ama xujo ah oo ay dowladu ka rabto shirkada oo ay haddii aynan sameynin SKA uu heshiisku burayo ama ansaxeynin laguma sheegin, hadaba in ay noo maamusho keliya miyaa loo siinayaa Maamulka garoonka lagulana gelayaa heshiiska mise wax kalaa qarsoon oo soo bixi doona?

    Haddii maamul Airporka keliya ay tahay meeye shirkadihii Diyaaradaha Soomaaliyeed ee Shaqaynayey intii burburku jiray? Aaway Shirkadihii Soomaaliyeed ee hanan karay maamulka inta heshiis aan dalka iyo dadka midna ugu jirin lala soo galayo shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha ah.

     

    W/Q C/Fataax Maxamed Qaasim (Philipin)

     Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

    Mogadishu Somalia

    Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

    Mogadishu Office

    +25-26-15514953/+25-2699-995641

    (

    info@warsom.com & webmaster@warsom.com)