Thursday, April 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa shaaciyay in dunnida halis weyn xilligan ugu jirto in uu ka qarxo dagaal ay dalalka waaweyn isku adeegsadaan hubka wax gumaada ee nuclear-ka. António Guterres, oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u eegista heshiiska taariikhiga ah ee xakameynta faafista hubka nuclear-ka ayaa...
Taajir caan ah oo u dhashay Ukraine ayaa ku dhintay duqeyn xoogan oo Ruushka ka geystay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv. Oleksiy Vadatursky, 74 jir ah iyo xaaskiisa Raisa ayaa dhintay markii xaley uu gantaal ku dhacay ku dhacay gurigooda, sida ay ku warrantay warbaahintaa Ukraine. Mr Vadatursky wuxuu lahaa...
Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Itoobiya ayaa tabisay in Ciidamada Cirka ee Itoobiya oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab ay duqeyn ay ka gaysteen xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dileen Saraakiil ay ku sheegeen inay kamid ahaayeen Kooxda Al Shabaab. Saraakiisha ay dowladda Itoobiya...
Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamada Itoobiya maanta weerar ku dileen Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo katirsan saraakiisha sar sare ee dagaalyahanada Al Shabaab. Warka lagu daabacay wakaaladda wararka u faafisa Itoobiya ayaa lagu shaaciyay in ciidankooda dileen Sheekh Fu’aad Shangole iyo sidoo kale Sheekh...
Guddoomiyaha Jasiirada Jawa ee dalka Indonesia ayaa ku soo rogay dhammaan dadka guurdoonka ah ee Jawa ku nool inaan la siin doonin rukhsadda ogolaanshaha Guurka ilaa labada qof ee is guursanayaa ay soo dilaan min 25 Dooli. Sidoo kale waxaa shardi ah inay maamulka hor keenaan 25 dooli ee ay...
Dowladda Shiinaha ayaa si weyn uga digtay booqasho la sheegay in bisha soo socota ee Agoosto ku tageyso Taiwan, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi . Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa uga digay dowladda Mareykanka  booqasho la hadal hayo...
Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii shalay la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhooffinta hadhuudhka. Ruushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee badarka ka soo qaadaya ama geynaya...
Booliska ka howlgala gobolka ay ku taallo magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waaxda dacwad-oogista u gudbiyay muwaadin lagu eedeeyay inuu ku kacay fal hadal-hayn ka dhex dhaliyay Muslimiinta, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA). Ninkan oo xabsiga la dhigay ayaa loo haystaa inuu si sharci-darro...
Dowladda Kenya ayaa billowday markii ugu horeysay inay daraasiin Geel ah u tababarto dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan Qaraxyada. Ilaa 200 oo neef oo geel ah ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog ka soo baaraan waxyaabaha qarxa, si...
Dowlada Kenya ayaa maanta bilowday bixinta shatiyada dhoofinta Qaadka Miirowga sida uu dhigayo xeerka cusub ka dib markii xanibaada laga qaaday Qaadkii ay u soo dhoofin jirtay Somalia. Masuul ka tirsan Miraa Pyrethrum ayaa sheegay inay heleen illaa hadda ugu yaraan 20 dalab oo ka yimid dadka xiisaynaya dhoofinta Jaadka...