Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ee gil-gilay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wixii dhacay ku tilmaamay musiibo, isagoo dalbaday in si deg ah loo soo gaaro dadka waxyeelada gaartay.
" Intii dhimatay Alla Ha'unaxariisto,...
Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga dareemay caasimada ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wali si rasmi ah looma oga halka bartilmaameedu ahaa , waxaana soconaya gurmad xoogan oo loo fidinayo dad ay wax yeeladu soo gaartay.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay isaga baxeen deegaanka Barriire re ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ka bixintaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Barriire ayaa aheyd mid lama filaan ku noqotay dadka deegaanka.
Ciidamada militariga ayaa u jiheystay dhinaca degmadaAfgooye iyo xerada Laanta Buuro, waxaana wararku sheegayaan in...
Xildhibaannada gollaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay manta yeeshaan fadhigoodii caadiga ahaa kaa looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiisyo dowladdu gashay.
Gaar ahaan Xildhibaannada ayaa kulankooda maanta oo Sabti ah uga hadli doona heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista ee dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.
Xildhibaanada Gollaha Shacabka...
Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay siyaasiyiin lagu xiray magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay shaqsiyaadka la xiray baalmareen sharciga iyo dastuurka Puntland islamarkaana sameysteen sida uu hadalka u dhigay madal ama Urur aan meelna ka waafaqsaneyn sida uu hadalka...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.
Xukuumadda ayaa sheegtay in ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, islamarkaana qosheynayaan in ay sii socdaan shirarka gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ku yeelanayaan xarumaha...
Madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay iska kaashanayan dowladda dhexe, Koonfur Galbeed, AMISOM oo ku saabsan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada dowladda federaaka iyo kuwa maamulka Koonfur...
Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.
Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo...
Munaasabad lagu xusayey maalinta arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegneyd shalay oo taariihkdu aheyd 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2017 ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa si wadajir ah munaasabadan u soo qabanqaabiyey Jaamacadda Banaadir iyo Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay...
Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir.
Is rasaaseyntan ayaa waxaa ay u dhaxeysay ciidamada xasilinta iyo ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.
Iska hor...


















