Wararka ka imaanaya xaduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi kooxo hubeysan ay ku afduubteen Shaqaale Caafimaad oo la socday gaari nooca gargarka deg dega ah ee Ambulance.
Sarkaal ka tirsan Booliiska dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku raad joogaan koox uu...
Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa iney magaalada Muqdisho u soo dirto gargaar Caafimaad oo ay uga jawaabeyso codsigii dowladda Soomaaliya ee ku aadana in loo soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii lasoo dhaafay ee...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa Oktoobar 31, 2023, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM.
Muddo kordhintan waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya,...
Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha, kala hadlay Safiirska Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo ku simaha safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Warbixin kasoo baxday madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu ugu horayn safiirada kala hadlay xaalada abaarta ee ka jirta Somaliland, isagoo sheegay...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdullaahi Cali Aadan oo katirsan Alshabaab, isagoo kamid ahaa koox fulisay weerar Gaalkacyo ka dhacay 2018 oo lagu dilay wadaad lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Afyare.
Cabdullaahi Cali Aadan ayaa si gaar ah loogu helay inuu ka...
Hay'adda xaquuqul insaanka Amnesty International ayaa fariin adag u dirtay kooxda Al-shabaab, kadib weeraradii qaraxyada khasaaraha badan geystay ee 29-kii bishii dhamaatay kooxda ka geystay Isgoyska Soobe, gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.
Amnesty ayaa fariinteeda waxay Al-shabaab...
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray codsi deg deg ah oo ku aaddan gargaar caalami ah oo loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii gawaari ee lagu weeraray aagga isgoyska Soobbe.
Weerarkan oo dhacay Sabtidii 29-kii Oktoobar, ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 300 oo qof, waxaana uu ahaa kii ugu...
Waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo socday mudo afar maalmood ah.
Golaha wadatashiga qaran ayaa goordhaw oo Maanta ah soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Xoghayaha guud wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Soomaaliya, si looga hortago xagjirnimada rabshadaha wata. Wuxuu ballan qaaday inuu...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay sadax ka mid ah Al-shabaab oo la sheegay iney ka dambeeyeen fulinta iyo fududeynta qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.
Sadaxda nin ee toogashada saakay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Nuur Ibraahin Nuur Wayne,...


















