Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga magaalada Kismaayo. Deegaanada ay ciidanka Kumaandooska Danab howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo...
Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay ka bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Wabxo, iyo dagaal beeleedka Cadale ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab. “Waxaa muuqata in xoogag madaw oo ku sugan gudaha iyo dibadda ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne...
Ugu yaraan 30 kamid ah gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee gobolka Galduud. Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidankan u geysay halkaasi, si ay bariga gobolka Galgaduud uga xoreeyaan ururka Al-Shabaab. Alshabaab ayaa ku sugan meel aan ka fogayn deegaanka...
Inta la ogyahay 3 dhalinyaro ah iyo 4 askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliiska magaalada Burco iyo dhalinyaro dhigayay bannaanbax ay ku taageerayaan go'aamada mucaaradka Somaliland. Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ka hortagay bannaanbaxyo rabshado wata, oo ay xalay xili danbe magaalada Burco ka bilaabeen dhalinyaro la...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi iney Xalay isaga soo baxeen deegaankaasi. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta looga...
Dowladda Japan ayaa sheegtay ilaa 14 milyan oo Yuuro ay ugu talagashay gargaar deg deg ah oo loogu talagalay dhoofinta badarka  laga keeno dalka Ukrain ee loo dhoofinayo Soomaaliya, si loo yareeyo cunno yarida ka jirta Soomaaliya. Safaaradda Japan ee Ukraine ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in...
Guddi dhexdhexaadin ah ayaa ilaa xalay ilaa maanta ku howlan u kala dabqaadida xukuumada iyo mucaaradka Somaliland oo isku khilaafsan wakhtiga la qabanayo doorashooyinka urrurada iyo madaxweynaha. Guddi ka kooban Maayarka Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur  iyo ganacsade Baarjeex,...
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu kulamo la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mooto bajaaj siday qaraxyo iyo laba nin oo la socday. Mootada iyo eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay doonayeen inay si qarsoodi ah ku soo galiyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe...