Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya. Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay wargeyska Nation Africa, ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan...
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay. Maxkamada oo dhagaysatay dacwad uu ururku ka qabay natiijada ay soo saartay guddida diwaangalinta ururada cusub, ayaa aqbashay  dooda...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland. Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay...
Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen Sakiye Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter ayaa sheegtay in soo qabashada...
Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea. Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Erirea, ayaa lagu sheegay in reer galbeedku faafiyeen sheegashooyin been abuur ah oo aan...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo  dhaweeyay. Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan...
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga. Si lamid ah hadalkii hogaanka xisbigu xukuumada kalsoonida kagala noqday 13 November, xisbiga WADDANI, ayaa markale, sheegay aanu aqoonsanayn xukuumada Somaliland ilaa oo ay sharciga kusoo...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo. Labada nin ee dilka toogashada ah Maanta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii...
Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia. Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Tukeh,” ayaa loo haystaa dil...
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruse ayaa Jimcihii qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland. Heshiiskan ayaa wuxuu ilaalin...