Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay awood marooqsi uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi iyo doorasho uu kaligiis maamulayo.
Shariif Sheikh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xisbigiisa, waxaa uu ku sheegay...
Qeybo ka mid ah Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.
Laamaha Dhagax jibis, Raadeerka, Kutiimo iyo laabka oo ka kala tirsan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa...
Bixitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo ay Walaac Ka Muujiyeen Madaxwynayaasha Kenya iyo Uganda.
Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kor u qaaday qaylo-dhaan ku saabsan in dib loo eego qorshaha bixista ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, si looga hortago faaruq amni.
Labada hoggaamiye, oo dalalkoodu ay ciidamadooda kamid yihiin howlgalka ATMIS, ayaa sheegay, ka dib kulan ay ku...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay go'aamada kasoo baxay shirkii Golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, in aanu ahayn wax quseeya Puntland.
Madaxweyne Deni oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay, in shirarka aan loo dhamayn aan lagu raadin karin maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
“Dhowr...
Somaliland ayaa shirkado caalami ah u kiraysatay sidii ay uga caawin lahaayeen, si loo gaaro mowqifkeeda ku aaddan heshiiska kama dambaysta ah ee Ethiopia.
Sida ay daabacday warbaahinta laga leeyahay dalka Germany ee DW oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola Somaliland, ayaa sheegtay in koox...
Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Somaliland.
Kadib maalmo ay shacabka Somaliland dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Somaliland layskugu yimid xuska 18 May.
Madaxweynaha...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gobolkaas.
War kooban oo lagu baahiyay...
Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.War murtiyeedka...
Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordheya cabsida laga qabo inuu karkaarada ku jabsado wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.
Bulshada ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Buundaweyn ayaa ku guuleystay iney iska xiraan goobo ku yaala xaafadahaasi oo qarka u saarna in biyuhu kasoo baxaan.
Goobaha dadka xaafadahaas ku...
Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa ku dilay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.
Wiilka yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Cabdisalaan Jaamac, waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen maleeshiyo beeleed...


















