Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Jamhuuriyada Jabuuti ayaa markale iska fogaysay in ay martigalinayso jabhad ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay Jabuuti ku suntantahay wada noolaanshaha iyo ilaalinta waddamada ay jaarka la tahay. "Siyaasada Jamhuuriyada Jabuuti waxay ku dhisantahay isxaqdhawr iyo wada noolaanshaha dowladaha iyo umadaha...
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaaladii maalmahan gobolka Mudug ku dhex marayay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Madaxweynaha Galmudug waxa uu sheegay dadka siyaasadda ka dhex raadinaya colaadda beelaha walaalaha ah, in ay ka darran...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin aha oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay bar koontarool oo ku taala xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. Qaraxaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Soomalidu u taqaano noociisa Homey ama Caasi, waxaana...
Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib hab maamuus aan horay loo arag oo ay ku xuseysa dowladda Soomaaliya munaasanada 1-da Luulyo oo ah markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobolada Waqooyi ee haatan la baxay Somaliland. Ciidamo...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay ka...
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa ka digay kooxda Alshabaab in ay weli tahay khatar xooggan. James Swan, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan ahay in ay muhiimad gaar ah siiso amniga xilliga kala guurka ah. “Al-Shabaab waxaa weli ka...
Ciidanka ATMIS ayaa Saldhigii ay ku lahayeen deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolka Jubbada Hoose ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha xeradaas ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay dowladda Fedaraalka, maamulka Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan xubnaha...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qayb galay Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shalay galinkii dambe ku geeriyooday hoyga uu ka daganaa magaalada Muqdisho. Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Salaada Janaasada...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhad uu sheegay in ay isku urursanayso guddaha dalka Jabuuti. Muuse Biixi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Somaliland kamid ah ay Jabuuti hoy u noqoto, isaga oo ku tilmaamay wax lala...
Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwo door adag ka cayaara  si looga fogaado in Shabaabku dib ugu soo laabtaan gacan ku heynta degaanadii laga saaray, marka ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan. Gen Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom)...