Sunday, November 8, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaalada Wardheer lix dhalinyaro ah oo  Xer ka ahayd Masaajidkaas. Sida Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa lagu dhex dilay Masaajid ay wax ka baranayeen, iyadoo dilkaasna ay gaysteen...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in la soo xiray Mr. Ertugrul Karafiyeli, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori, isla markaana ah muwaadin u dhashay dalka Turkiga. Mr. Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay...
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib dagaal u daabulo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab cilmi baaris ah oo dhanka tamarta ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda. Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid duulimaadyada maalinlaha ah ee magaalada Baydhabo. Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in si joogto ah ay u soconayaan duulimaadyada, inkastoo aysan sheegin sababta keentay hakadka saacadaha qaatay ee...
Saacadihii hore ee saakay, duulimaadyadii ka imanayay Muqdisho kuna wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa hakad ku yimid, iyadoo dadweyne aad u badan oo ku socday Baydhabo ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde. Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid lagu ihaanaynayo shacabka Koonfur Galbeed....
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Lugta ee ciidanka xoogga Dayax Cabdi Cabduulle ayaa ka shiray sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka...
Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sareeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. War saxaafadeed kasoo baxay booqashada xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga...
 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo horey u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya. Kulanka ayaa ahaa mid kusoo beegmay waqti xasaasi ah, iyadoo Wasiir Fiqi uu kala hadlay Workneh Gebeyehu arrimo muhiim...
Shirweynaha 68-aad ee Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA oo lagu qabtay magaalada Vienna, ayay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Xubinnimada Hay’addaan. Hay’adda ayaa la ballaariyay liiska waddamada ku jira, iyadoo laga dhigay 178 dal oo xubno ka ah. IAEA, ayaa loo aasaasay in ay dhiirigeliso isticmaalka nabdoon ee tamarta...
Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Ururka goboleedka IGAD oo uu hoggaaminaayo Xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh. Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka. Wafdi ayaa...