Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Booliska dalka Kenya ayaa ku waramay in ilaa 30 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo si aad ah u hubaysan ay ka tallaabeen xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Laamaha amniga dalka...
Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa kulamo la leh waxgaradka Gaalkacyo iyo mas’uuliyiinta labada dhinac, isagoo kala hadlaya sidii loo xoojin lahaa heshiiska nabadeed ee maalintii Talaadadii ay wada gaareen labada maamul ee Puntland...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka qeyb-gallo shir dalkaasi ka furmaya oo looga hadlayo arrimaha Qaxootiga gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga uu la socdo ayaa inta ay...
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka...
Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.
Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aysan ciidamada degaanka soo gaarin, sida goobjoogaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.
“Ma garaneyno sababtii loo dilay Sheekh...
5,000 “Shan kun” oo qof ayaa Arbacadii shalay ka qeyb-gashay aaskii Nabra Hassanen oo aheyd gabar 17-jir ah oo dhawaan lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.
Nabra, ayaa la afduubtay kadibna meydkeeda laga helay gobolka 17-kii bishan June, waxaana dhacdadaasi la sheegay in ay la xiriirto naceybka loo qabo...
Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.
Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikada Dhaxe maalin uun ka dib markii heshiis xabad...
Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in ku riday Sedex dhalinyarro ah ku eedeysnaa in masjid ku yaala magaalada ku dhax toogteen todobaadkii hore wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Deer.
Maxkamada oo maalintii shalay soo...
Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay magaalladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ka kooban 7 qof.
Qodobka koowaad ee heshiiska labada maamul ayaa ah sidii la iskaga kaashan lahaa amniga gobolka Mudug, qodobada sidoo kale waxaa kamid ahaa in labada maamul ay...
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka soo galay tartankii Qur’aanka kariimka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magaalladda Daar-es-salaam.
Maxamed oo 12-jir ah, ayaa waxaa uu soo jiitay indhaha Soomali badan oo dalka iyo dibadda ku nool,...


















