Ciidamo isugu jira Cadaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen.
Deegaanka Bariire, ayaa waxaa uu dhacaa duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta Axad ee berri ah lagu wadaa in ay booqasho rasmi ah ku tagaan dalka Masar.
Md. Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar C/fitaax Al-SiiSi.
Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar...
Booliska dalka Spain ayaa ayaa baadi-goob xooggan ugu jira qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona.
Dad ka badan 10 qof ayaa ku dhintay weerarka halka ku dhowaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida dowladda ay sheegtay.
Waxaa uu boolisku baadigoobayaa nin lagu magacaabo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay...
Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuun dhanka dhimirka ah qabay, sida Soomaali ku nool dalkaasi ay sheegeen
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida kunool Gobolka Washinton.
Falkaan ayaa ahaa mid aad looga naxay,...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.
Kulanka oo ka furmaya magaalada Beledweyne ayuu sheegay Ugaaska in lagu wargalinayo dhamaanba siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha in...
Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Eng. Cabdi Canshuur Xasan iyo Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.
Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin...
Xaaladda deegaanka Xeraale ee degmadda Caabud-waaq, ayaa saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay deegaanka.
Dagaalladii ka dhacay deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo xooggaga Ahlusunna.
Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday...
Hoobiye ayaa xalay la sheegay in uu kusoo dhacay xaafad kamid ah degmadda Warta-Nabadda ee Magaalladda Muqdisho.
Hoobiyaha oo aan la garan halkii laga soo tuuray ayaa waxaa ay ku soo dhacay xaafada laba-dhagax ee degmadda Warta-Nabadda, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in madfaca...
Dalka Qadar oo soo dhaweeyey Furitaanka ay Dalka Sucuudigu ku fureen Xuuduudda labada dal wadaagaan.
Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaa go'aankii Sacuudiga uu xuduuda ugu furay xujeyda ka imaaneysa dalka Qatar.
“Markii horeba dowladda Sacuudiga waxaa ay siyaasad ka laheyd qorshihii ay xujeyda ugu diiday Xajka”, ayuu hadalkiisa sii...
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia...


















