Xog-hayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in maalmaha kooxda Daacish ay tirsamaan, isaga oo taxaddar ka muujiyey in ka adkaanshaha gebi ahaan kooxdaas ay tahay arrin aan hadda muuqan.
Mattis ayaa weriyayaasha la hadlay ka hor inta uusan booqasho aan la shaacin ugu duulin magaalada Baghdad oo uu...
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday laba eedeysane oo loo heysto in ay dil geysteen.
Xasan Cali Xasan Keerow 23 jir ah iyo C/raxmaan Ciise Cali Fiidow 20 jir ah, oo lagu riday xukunka ayaa loo haystay in ay...
Golaha abwaannada Somaliland ee Mus-danbeed oo isku dayey inay xaliyaan muranka ka taagan golaha Wakiiladda ayaa sheegay inuu Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo ka mid ah labadda garab ee golaha isku hayaa diiday in arinkoodda la dhexgallo oo wada hadal lagu dhameeyo muranka golaha ka taagan.
golaha Abwaanada...
Golaha abwaannada Somaliland ee Mus-danbeed oo isku dayey inay xaliyaan muranka ka taagan golaha Wakiiladda ayaa sheegay inuu Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo ka mid ah labadda garab ee golaha isku hayaa diiday in arinkoodda la dhexgallo oo wada hadal lagu dhameeyo muranka golaha ka taagan.
golaha Abwaanada...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gudiga doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi.
“Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waxaa doortay xildhibaannadda, haddana iyaga ayaa kalsoonidda kala noqday wax dhibaata ah ma jiraan, goordhowna waxaan guda-geli doonaa doorashooyinkii madaxweynaha ee Hirshabeelle”.
“Magacyadda guddiga doorashooyinka ayaan goordhow ku dhawaaqeynaa, waxaana...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.
Farmaajo, ayaa jaaliyadda kula kulmay xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaallaadda Qaahira, halkaasi oo lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb-galay safiirka Soomaaliya ee...
Al Shabaab ayaa xalay tiro maddaafiic ah ku tuuray deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo Todobaadkan ay la wareegeen ciidamo huwan ah.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in wax khasaaraha uusan kasoo gaarin weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dad shacab ah ay wax ku noqdeen maddaafiicda.
Ciidamada...
Yuunis Abuu-Yacquub, oo looga shakisnaa in uu geystay weerarkii ka dhacay magaalladda Barcelona, ayaa waxaa toogtay ciidamada Police-ka ee dalkaasi.
Yuunis, oo ah muwaadhin Morocco u dhashay, ayaa lagu eedeeyay weerarka.
Ka dib markii uu baxsad ahaa afar maalmood, ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Subirats ee galbeedka Barcelona, asagoo xiran wax...
Kooxo tabarucayaal Turkiga ah ayaa u yimid Soomaaliya barnaamij qayb ka ah hindisaha hay'adda horumarinta Turkiga, kuwaa oo ka qeyb-qaatay dayactir lagu sameeyo xarun agoon iyo dugsi wax lagu barto.
Barnaamijkan oo ay hogaamineyso hay'adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda (TIKA) ayaa u ogolaanaya mutadawiciinta in ay booqdaan wadamo badan...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor oo dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay golle wasiiro ka kooban 52 xubnood
Madaxweyne Xaaf ayaa ku dhawaaqay 22 wasiir, 22 wasiir ku-xigeen , Sideed wasiiru-dowle kuwaa oo isku darka noqanaya 52 wasiir.
Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa...


















