Sunday, August 16, 2026
Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi. Guddigaan ayaa looga fadhiyaa...
  Maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin adag u diray dadka garsoorka u raadsada degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab . Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in dadkaasi tilaabo adag laga qaadi doonto, islamarkaana cidii lagu helo la marsiin doono ciqaab adag. Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Baay iyo wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed...
Xildhibaanada Galmudug ayaa goor dhow ansixiyay wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf. Madaxweynaha Galmudug ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan wasiirada cusub , madaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug. Fadhigii xildhibaannada ayaa waxaa soo xaadiray 57 mudane, iyadoo ilaa 52...
                                                    10 qof oo rayid ah oo saddex kamid ah ay yihiin carruur ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanka ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, habeen hore. Ehelada dadkii lagu laayay beer ku taallo deegaanka Bariire, ayaa warbaahinta Magaalladda Muqdisho,...
                          Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in dalka Soomaaliya ay kusoo noqdeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalka dib usoo celinta Qaxootiga bsihii December ee sannadkii 2014-kii. Warbixin kooban oo hay’adda...
                        Shirkii loogu magac daray African Leadership Forum 2017, ee ka socday dalka Koonfur-Africa, ayaa shalay si rasmi ah loosoo gaba-gabeeyay. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa, waxaana dalka Soomaaliya shirkaasi uga qeyb-galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Hay’adda Thabo Mbeki foundation,...
                    Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen. General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Bariire uuna ahaa mid ku...
                    Booliska dalka Belgium ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaali ah, kaas oo la sheegay in tooreey uu ku dhaawacay laba kamid ah Militeriga dalkaasi. Weerarka ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalladda Brussels ee dalka Belgium-ka. Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray...
Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah warbaahinta loogu soo bandhigay meydadka ilaa 10 ruux oo rayid ah oo la sheegay in lagu dilay howlgal ay wada jir uga fuliyeen ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa Soomaaliya deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha...
Guddoomiiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in dhawaan ay soo magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeella, kaddib markii baarlamaanka Hirshabeelle uu kalsoonidii kala noqday madaxweynihii maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble. Guddoomiiyaha ayaa sheegay in gudiga doorashada ka koobnaan doonaan sagaal xubnood oo dhamaantood laga soo xulayo baarlamaanka...