Thursday, August 6, 2026
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax miino oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan. Qaraxaan miino ayaa ciidamada Kenya lala beegsatay xili ay marayeen wadada u dhaxaysa Ijara iyo Bodhai oo ka tirsan Magaalada Garisa ee...
Soomaaliya oo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ka horjeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka. Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada...
Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa NISA sheegtay inuu Xalay dhacay mudo...
Kenya ayaa sheegtay in ay ka qaaday shuruudihii fiisaha ee dalal badan oo ka tirsan Afrika iyo Karibiyaanka, hase yeeshee ay Soomaaliya iyo Libya si gaar ah uga reebtay qorshahan, sababo la xiriira walaacyo dhanka amniga ah. Go’aankan cusub ayaa micnaheedu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aanay weli heli karin fursaddii...
Maalmihii ugu dambeeyay, baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal iyo qoraallo muujinaya dad si khasab ah loogu kaxeeyay xarumaha laga qaato kaarka codbixinta. Qaar ka mid ah dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga qaaday kaararka iyaga oo aan raalli ka ahayn, taasoo keentay su’aalo badan oo...
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda qeybo kamid ah dalka, Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Munaasabadda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), xubno sare oo ka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa sheegay in dib u dhiska Dowlad Goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo uu xalin doono muranadii muddada dheer ka taagnaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay. “Cid idin la murmi karta ma jirto. Idinkuna ha isgelinina muran,”...
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues, kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Sarreeye Guuto David Keter, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Kenya ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya qaybta hawlgalka AUSSOM, si uu u qiimeeyo hawlgallada socda uguna dhiirrigeliyo moraalka ciidanka. Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Labaad...
Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, iyadoo shirkaasi la filayo inuu rasmi ahaan ka furmo magaalada Laascaanood maalinta berri ah. Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo...