Kumannaan dadweyne ah oo ka careysan qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux ayaa maanta ka socda inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dadka ka qeybqaadanaya isku soo baxan ayaa ku qeylinaya erayo ay uga soo hor jeedaan wax ugu yeereen Xasuuqii...
Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa wax waba kama jiraan ka dhigtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaanMareykanka.
Maxkamad heer Federaal ah ayaa soo saaray amar si KMG loogu xadiddayo dhaqan gelinta amarka Madaxweyne Trump.
Amarka mamnuucistan ayaa ka dhan ahaa muwaadiniinta dalalka Iiraan,...
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, kaddib markii uu dhowaan halkaas loo geeyay arrimo caafimaad.
Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya oo muddooyinkan lagu daweynayay.
Bootaan Ciise Caalin ayaa wasiir ka soo noqday dowladdii KMG aheyd ee lagu soo...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelllaha Hoose ayaa sheegaya in gallinkii danbe ee Isniintii todobaadkan duqeyn cirka ah laga fuliyay meel ku dhaw deegaanka Barriire.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ku sugnaa Barriire.
Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeynta geystay laakiin marar badan oo...
Maalmo murugo iyo baadigoob adag oo loo gallay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, hadda xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay oo dadku waxaa ay u jiheysteen dib u dhis iyo goobta laga nadiifiyo bur burkii iy saameyntii uu ku...
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen...
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in ay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka...
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Gobalka Minneosta ayaa ahaa mid looguna duceynayay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maaalintii sabtida ka dhacay magaalada Muqdishu
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Keith Ellison oo ah mudane ka tirsan...
Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo looga soo horjeeday weerarkii ka dhacay Muqdisho ee ay ku le'deen boqollaalka qof ee shacabka ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo, ayadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen madax ka tirsan Jubbaland.
Dibadbaxa oo kamid ahaa kuwii ugu weynaa ee ka dhaca...
Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.
Diyaaradan ayaa waxaa la socday Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka...


















