Tuesday, August 18, 2026
Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah oo la jaanqaadaya Qorshayaasha la xiriira xaqiijinta Amniga guud ahaan dalka Soomaaliya. Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM. Wakiilka gaar ah ee midowga Africa Danjire Francisco...
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka maalmihii ugu danbeeyayba u socday madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada, iyadoo lagu wado in gabagabada shirka laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qodobada lagu heshiiyay. Dhinacayada shirka ka qeybgalaya ayaa xalay oo dhan...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaritaano adag waxa ay ka wadaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka si aad ah ay u baarayaan. Wadada Maka Al-Mukarama, Waddada 21- October iyo Waddada Tarabuunka ayaa xiligan waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan ciidamada dowladda, iyadoo ciidamada dadka ay...
Madaxweynaha dowladda gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada Dowladda Soomaliya. Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Rag bastoolado ku hubeysnaa qof rayid ah xalay ku dileen degmada. Goob joogayaal ayaa sheegay in qof la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada degmada, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Geesey, waxaa la sheegay in Rag ku...
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo. Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur oo ah wasiirka Amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala-galay in ay dagaal la galaan dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid...
Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray weerar duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigyo Daacish ku lahaayeen waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Buqa ee agagaarka degmada Qandala ee Gobolka Bari. Labo weerar oo cirka ayaa lagu beegsaday saldhigyo Daacish ku sugnaayeen oo ku...
Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa maanta si KMG ula wareegay xilka taliyaha ciidamada booliiska, kaddib markii dhawaan xubnaha gollaha wasiirada xilkii ka qaadeen taliyihii ciidamada Jen C/xakiin Daahir Saciid Jen. Saacid ayaa ku sheegay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada. Jen, Mukhtaar...
Odayaasha 135-ta ah ee soo xulay xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku taageereen qorshaha dowladda ee xasilinta dalka. Odayaasha ayaa dhinaca kale si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho...