Tuesday, August 18, 2026
Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah maqrabnimadii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo la socday gaari yar oo nooca Bajaajka kor ka furan ah...
Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey...
  Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel balaaran lagu sameynayo qorshaha Amaanka guud ee magaalada Muqdisho, kaddib markii maalmahan ay kordheen weerarada iyo Qaraxyada ururka Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Wasiirka  ayaa sheegay in guddi Wasiiro ah loo saaray ay in ay talo ka soo jeediyaan sidii loo...
Dowladda Soomaaliya ayaa bil kaddib soo bandhigtay baaritaan horu dhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka loo qabtay Qaraxii ka dhacay 14-kii bishii October Isgoyska Zoobe. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay magacyada shan ruux iyo sawiradooda, kuwaasoo loo heysto inay ku lug...
Cod bixintii shalay loo dareeray ayaaa si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday, waxaana xalay-ba la dhamaystiray tirintii codadka mushariinta, iyago la sugaya uun sanaaduuqda meelaha fog fog la geeyey in dhamaantood ku soo xaroodaan xarumaha Komishanku ku leeyahay goboladda. Dadweynaha reer Somaliland ayaa ku mashquulsan sidii wax uga ogaan lahaayeen...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaari NOAHA oo uu waday qof Ismiidaamiye ah uu halkaa ku qarxay, waxaana wararku intaa darayaan in...
 Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah. Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka. Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa...
                    Markii ugu horreysay muddo lixdan sanno ah xulka kubadda cagta ee waddanka Talyaaniga ayaa ku guuldarraystay in uu u soo baxo ciyaaraha Koobka Adduunka. Xulkan afarta jeer ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa waxaa barbaro 0-0 ah xalay lagu celiyay xulka Sweden, lugta labaad ee ciyaaraha kala baxa taas oo ka...
  Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo. Isaga oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay munaasabada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen sida ay u barbartaagan yihiin...
Munaasabad ay haweenka Soomaaliyeed tageero ugu muujinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaradaha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay hormuud u noqdaan dagaalka dalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuna xusay...