Tuesday, August 18, 2026
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxda maamulka, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan...
  Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto' Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla magaalada Parma, kadib markii uu muddo la dagaalamayey cudurka cancer-ka. Waxaa uu ahaa 87 jir. Riina ayaa dhintay subaxnimadii jimcaha saacado kadib markii wasiirka caddaaladda talyaaiga uu qoyskiisa u ogolaaday inay sariirta ku booqdaan maalintii khamiista...
Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay. Go’aankaas ayaa ka caraysiiyay Ururrada Yuhuudda iyo kuwo kale oo ku ku baaqay in la cambaareeyo Yuhuud nacaybka. Shirkadda Kuwait Airways ayaa diiday in ay...
 Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen. Waxaa ay dalbanayaan hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobey in sii buuxda oo sharuud ku xirneyn looga qaado cunaqabateynta iyo go’doominta dalka Yemen. Waxaa ay sheegeen in go’doomintaasi ay halis galinayso...
Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa xalay waxa ka dhacay mudaharaado  lagu taageerayo xisbiga WADANI,islamarkaana lagu eedeyanyo Komishanka Doorashooyinka. Xaafado ka tirsan galbeedka Burco, Ceerigaabo iyo bariga Hargeysa ayaa Taayiro ku gubay wadoodinkaa, haseyeeshee Ciidanka Amniga ayaa markiiba dadkii kala dareeriyey, waxaanay la maqlayey rasaas ay ciidanku kor u ridayeen...
 Guddiga doorashada Soomaaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya doorashadii Isniintii ka dhacday Soomaaliland in xisbi gaar ah ku shubtay. Guddoomiyaha guddiga doorashada C/qaaadir Imaan Warsame ayaa sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, isaga oo tilmaamay...
 Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska cazilo. Warar soo baxay Khamiistii ayaa sheegayay in Mugabe uu ka...
 Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dhaq dhaqaaq militari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo ay ka dagaalamaan kooxo isugu jira Al-shabaab iyo Daacish. Buuraha ku teedsan Bariga iyo galbeedka Boosaaso ayaa waxaa saldhigyo ku kala leh Al-Shabaab iyo Daacish, waxaa ayna xilliyada qaarkood ka soo qaadaan weerarro ka dhan...
Wasiirka Wasaarrada Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego hay’ddaha ammaanka. Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar...
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo. Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Isloow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay...