Wednesday, August 19, 2026
  Dagalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxaa ay ku qaadeen ciidamo dowladda federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-Yar ee degmada Afgooye. Weerarka ayaa wuxuu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka. Saraakiisha ammaanka dowladda oo...
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir kaddib markii habeen hore ciidamada dowladda ay ka soo qabteen Gurigiisa. Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo...
Ugu yaraan 10 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro ka badana ay dhaawacmeen kadib markii gelinkii danbe ee maanta uu dagaal ka dhacay degaanka Cagaare oo u dhexeeya degmooyinka Burtinle G Nugaal iyo Laascaanood xarunta G Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo deris wadaag ah,...
Xaalada deegaannadii ay maalintii shalay ku dagaalameen ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa degan sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 17km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab waddada u...
                      Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caag ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga. Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax, waxey sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka...
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay Wargeyska The New York Times. Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray...
Iyadoo maalintii labaad gacanta dowladda federaalka uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo habeen hore ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ka soo qabteen Hoygiisa ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan labada Aqal ee dowladda waxaa ay ku dalbeen in la sii daayo siyaasiga. Xildhibaannadan oo...
Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay Jawaabteedii dacwaddii muranka Badda ee dowladda Soomaliya ay ug gudbisay maxkamadda Sanadkii 2015. War Qaraal ah oo uu soo saaray Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya  Githu Muigai ayuu ku sheegay in Meesha ay Kenya ka taagan tahay dacwaddii Badda ay...
Afhayeen u hadlay gobolka Oramiya oo lagu magacabo Addisu Arega Kitessa ayaa sheegay in rabshadahii gu dambeeyay ay ka dhasheen Weerarro aargoosi ah oo ay dadka Oramada ku qaadeen degmo ku taalla Oramiya halkaasi oo 32 oo qof oo Soomaali ah lagu dilay. Waxuu intaa ku daray in 29 qof...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqaalihii uu Mareykanku joojiyay, isaga oo intaa ku daray in dowladda federaalka dabooli doonto baahiyaha ay qabaan ciidamada. ‘’Musuq-maasuqu wuxuu noqday wax Annaga nalagu bartilmaameedsado, taasoo keentay in Mareykanku joojiyo qeyb ka mid ah...