Taliyihii ururka 2aad ee Kumaandooska Ciidanka PMPF, Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo, iyo sarkaal kale oo la oran jiray Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagu bartilmaameedsaday baabuurkooda xilli ay marayeen deegaanka Dasaan ee degmada Qandala.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiiro cusub oo ka kala socday ilaa sideed wadan.
Safiiradda cusub ee maanta warqadaha uu ka guddoomay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalalkoodu kala yihiin Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania iyo Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqii basbeelay ee Suuq Bacaad ee ku yaala degmada Yaaqshiid, Guddoomiyuhu wuxuu ka dhawaajiyay baahi degdeg ah ee loo qabo in la hirgeliyo waddooyin nidaamsan oo dhex mara suuqyada caasimadda si loo xakameeyo khasaaraha marka ay dhacaan...
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qorshaynayso inay soo saarto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo la daabacayo. Qorshahan ayaa qayb ka ah dib-u-habeynta dhaqaalaha ee socda, waxaana taageeraya Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku dhawaaqay arrintan isagoo ka...
Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, Kornayl Cabdiraxmaan Rayaale, ayaa kormeer ku tegay ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi si uu u qiimeeyo xaaladda amniga ee gobolka Hiiraan.
Kornayl Rayaale ayaa ciidamada ku ammaanay xirfaddooda sare iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale...
Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub. Musharraxiintu waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan faragelin ay sheegeen inay ka imaanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar...
Weerrarada kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala qaaradda Afrika ayaa sababay dhimashada in ka badan 155,000 qof tobankii sano ee la soo dhaafay, iyagoo weli ah kuwa ugu firfircoon ee sababaya xasilooni-darro baahsan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS).
Warbixintu waxay muujinaysaa in...
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ka bilaabay deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan abaabul xoogan oo ay ku doonayaan iney kooxda Al-shabaab kaga saaraan degmada Maxaas.
Ciidamada iskaashanaya oo 27-kii bishii lasoo dhaafay lagala wareegay degmada Maxaas ayaa haatan bilaabay qorshahii ay markale dib ugula...
Shacabka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si kulul u dhaliilay tallaabooyinka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira iibinta dhismayaal muhiim ah oo ka tirsan hantida guud ee dalka, oo ay ku jiraan xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Laansareeti, iyo dhismayaal kale...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso dagaallada ay ka waddo gobolka Gedo, isagoo sheegay in colaadahaasi ay carqaladeynayaan dadaallada lagu wajahayo kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inay tahay nasiib darro in dowladda federaalka ay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, taasoo keentay iska...


















