Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad caafimaad oo ay leedahay hay’adda samafalka ee Amref Flying Doctors ay ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, sida uu sheegay mas’uul sare oo dowladda Kenya ka tirsan.
Diyaaradda oo ahayd nooca fudud ee Cessna ka ayaa ka duushay...
Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney si dhaw ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni darada ah ee ka jirta gobolka Gedo.
Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in xaalada gobolka Gedo ay hurinayaan xubno ay ku tilmaamtay qaswadayaal ah uu amar siiyay madaxweynaha maamulka...
Bulshada ku nool degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta gudaha magaaladaasi ka sameeyay banaabax aad u balaaran oo ay kaga soo horjeedaan amar dhawaan kasoo baxay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.
Amarka ay ka banaanbaxayaan shacabka reer Baladxaawo ayaa ah mid lagu faray in ciidamada dowladda Soomaaliya...
Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ayaa xukun 28 sano ah ku riday Abdiaziz Farah, oo ahaa mid ka mid ah eedeysanayaasha ugu weyn ee kiiska musuqmaasuqa baahsan ee la xiriira barnaamijka raashiin qeybin ee Feeding Our Future.
Abdiaziz Farah ayaa lagu helay 23 dacwadood oo ay ka...
Ugu yaraan 7 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa u dhintay gaajo iyo harraad kadib markii doonidii ay saarnaayeen uu badda ku ciladoobay, iyaga oo safar tahriib ah kaga soo ambabaxay magaalada Bosaaso, kuna wajahnaa xeebaha koonfureed ee Yemen.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Hey’adda Caalamiga ah ee...
Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ka taagan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii saraakiil sare oo ka tirsan milateriga Itoobiya ay shalay booqdeen magaalada Doolow, halkaas oo ay kula kulmeen odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.
Saraakiisha Itoobiya ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin wax...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Lataliyahiisa amniga Qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf.
Magacaabista Lataliyaha cusub ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaaneysa, kadib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay La taliyahii hore ee madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud.
Lataliyaha cusub ayaa qoraal kasoo baxay Madaxtooyada...
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa ku dhawaaqay isbeddel cusub oo muhiim u ah nidaamka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tani waxay timid kadib shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee HSJ, looguna magac daray Shirka Wada Shaqeynta iyo Sare...
Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in haddii la doorto in uu soo celin doono magaalada Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.
Firdhiye, oo u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in haddii markale la doorto uu Somaliland kala wareegi doono magaalada Ceerigaabo...
Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku guuldarreysatay, inay si dhab ah u hubiso aqoonsiga iyo ujeedooyinka diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee dalka loo soo dirayo.
Cabdirisaaq oo hadalkiisa ku baahiyay baraha bulshada,...


















