Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ayaa kulan la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaanay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay u horeyso amniga iyo iskaashiga labadad dhinac.
Weftiga Madaxweyne Biixi waxa garoonka diyaaradaha Addis-ababa ee Bole International Airport ku qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibadda...
Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.
Dhigeeda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in ay muhim tahay in wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay si...
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qeybgali doonin munaasabada dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee lagu qabanayo magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud.
Wuxuu sheegay sababta uu ku baaqanayo in ay tahay shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo Magaalada Kismaayo ee...
Iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa sii kordhaya hanjabaado iyo Warar xambaarsan dhiill colaadeed oo ay hawada isku-marinayaan Puntland iyo Somaliland.
Wasiirka Warfaainta Puntland Cabdi Cali Qarjab ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay taageerto Ururka Al-shabaab.
Qarjab ayaa sheegay in Puntland uu...
Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wafdi uu horkacayo iyo goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud.
Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa ku wehlinaya guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.
Madaxweynayaal kale ayaa lagu...
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka hor-yimid qorshe Mareykanka ku dhisayo ciidamo gaaraya 30-kun oo askari oo ka tirsan Kurdiyiinta, si ay u sugaan amniga xuduuda Suuriya iyo Turkiga.
Erdogan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in qalalaase loogu abuuro amniga dalkiisa.
Waxaa uu wacad...
Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka socta qabanqaabada munaasabad ballaaran oo lagu wado in lagu dhameystiro heshiiskii horey u dhaxmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ku heeshiiyay in labada maamul la mideeyo kaddib wada hadalo ka dhacay Jabuuti laguna soo gabagabeeyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa...
Itoobiya ayaa daaqada ka tuurtay kiis ka dhan ahaa hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo la xiray sand ka hor.
Siideynta hogaamiyaha Oromo Federalist Congress, Merera Gudina, ayaa ka mid ahaa waxyaabihii ugu waawaynaa ee ay dalbanayeen dibadbaxayaasha gobolka Oramiya.
Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya, Getachew Ambaye,ayaa sheegay in...
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.
Taliyaha ayaa sheegay in maalmahan ay in Al-shabaab carqalad ku hayeen gadiidka isticmaala sida uu hadalka u dhigay Waddada isku xirta Jowhar...
Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, kadib markii ciidamada dowladda oo helay gurmad...


















