Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda qaarada Africa ee ka qeybgali doona shirka maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw xabsiga dhigay Siyaasiga Kamaal Daahir Gutaale guddoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Siyaasiyiintan ayaa laga xiray hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in...
Taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay wiil dhalinyaro ah oo xabsiga dhexe ee Xamar ku geeriyooday kasoo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu geeriyooday ka dib markii ay is dagaalleen wiil ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.
Marxuumka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb...
Hay'adda Socdaalka ee QM ayaa sheegtay Jimcihii in ay xafiis ka furatay Dollow ee gobolka Gedo ee Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysa barakac ballaaran oo ay sababeen abaaro iyo amni daro.
Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ay kor u qaaday barnaamijkeeda wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah...
Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doona degaanada maamulka Jubbaland.
Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda lagu amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in...
Sida lagu qoray wakaallada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency Dowlada Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamadeedu ay ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga in dowlada...
Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sii daaysay rag taajiriin ah oo horay loo xiray kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas’uuliyiinta waddankaasi.
Raggan ayaa lagu soo qabtay howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bilaabay Nofeembartii la soo dhaafay.
Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.
Isagoo ka hadlayay kulan ka qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu farsameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya oo ku taal degmada Kaaraan.
Ciidamada ayaa xiray raggii karin jiray Calaqa iyo dad ka iibsan jiray oo si suuq madow u gelin jiray magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in goobtan ay ka mid aheyd goobaha ugu weyn...


















