Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay, waxa ay ku toogteen nin ay sheegeen inuu horay u gaystay dil, uuna dilay haweenay ka mid aheyd dadka deegaanka.
Fagaare ku yaallo deegaanka Iidaale ayaa ninkaan lagu toogtay, kadib markii maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolka Baay ay xukun dil...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka...
Mudane Cabdi Maxamad Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka, kaasoo ay ka qeyb galayaan Beesha Caalamka, Mas’uuliyiin ka socotay dowlad Goboleedyad
Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xasilinta guud ee...
Weerar waabirigii saakay ka dhacay deegaan ku dhow Tukaraq oo fadhiisin u ahaa ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay soo qaadeen ciidamo taabacsan Puntland horeyna u ahaan jirey Khaatumo.
Labada dhinac ma sheegan wax khadaare ah oo soo gaadhey waxaase dad degaankaas ku dhow ay sheegeen in dagaalkani uu...
Wareegii labaad ee doorashada mid ka mid ah Kuraasta golaha shacabka ayaa waxaa isugu soo haray Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo iyo Nuur Iidoow Beyle.
Doorashada waxaa ka qeybgalay ilaa Lix musharax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Nuur Iidoow Beyle, Cali Cabdullaahi Cosoble, Xusseen Axmed Geelle, Daahir Cabdulle...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kusugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Antonio gutters,iyagoo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya.
Antonio Gutters Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa amaanay guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay isbedelada dhinacyada amniga iyo maamulka,isagoo rajo...
Maxkamadda dastuuriga ee dalka Spain ayaa u sheegtay hoggaamiyaha gooni-goosadka ee gobolka Catalan Carles Puigdemont, in loo dhaarin karo oo keliya xilka madaxweynaha gobolkaasi haddii uu kasoo laabto safarka baxsadka ee uu dalka uga maqan yahay.
Kaddib kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Madrid, ayaa maxkamaddu waxa ay xukuntay...
Waftiga uu hor kacayo guddoomiyaha Baaarlamaanka Puntland ee ku sugan dalka Nigeria ayaa kulamo muhim ah kula yeeshay xarunta Baarlamaanka dalkaasi xubno ka kooban labada gole ee Baarlamaanka dalkaasi Nigeria ee magaceeda loosoo gaabiyo NASS (National Assembly) iyo Aqalka Sare (The Senate).
Ujeedada kulamadaan dhexmaray Baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Nigeria...
Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
Kur-sigan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, laakiin waayay kaddib markii loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-sugida...
Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa fiidnimadii xalay ku dilay magaaalada Beledweyne Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xassan Cabdulle.
Askariga dilka geystay ayaa markii dambe waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska, kuwaasoo xabsiga u taxaabay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in askariga toogtay iyo ciidamo kale oo la socday ka...


















