Thursday, August 20, 2026
Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Bartamaha Boosaaso, kaasoo ku dhow Dekeda Boosaaso. Weerarkan oo ahaa mid muddo socday ayaa la isu adeegsaday rasaas culus iyo Bambooyin, iyadoo markii dambe ciidankii Booliska ee ilaalada ka hayay Saldhigga iska caabiyeen. Weerar ayaa waxaa...
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo. Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in...
Ciidmaada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay inta badan xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgalkan oo ay si gaar u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 400 qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa rag,...
Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo khasaare sababay oo xalay magaalada ka geysteen kooxo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Howlgaladan oo ay sameynayaan ciidamada Amaanka ee...
Waxaa goor-dhow magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb-galaya Ra’iisul...
Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka Marsabit ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo kunoolaa degaankaasi ay ku biireen Al-Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay. Waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah culimadda degaanka ay ka qeyb qaateen in dhalinyaraddaasi ay ku biiraan Al-shabaab. Waaliddiinta carruurtooda...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah Madaxtooyada ugu sameeyey golaha Amniga Qaranka. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeyb-gelitaanka shirka Amniga Qaranka oo maanta ka furmi doona. Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay...
Hal qof ayaa ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay xalay Waddada isku xirta magaalada Beledweyne iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Qofka Qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in uu ahaa ruux halkaa ku aasayay Miinada sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Amniga gobolka. Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa gaaray...
  Maxkamada darrada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal lala xiriirinayay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Maxkamada ayaa tan wixii ka danbeeyay Qaraxaasi ku howlaneyd baarista sidii uu u dhacay Qaraxa iyo waliba dadkii ka danbeeyay...
Inta badna waxaa saakay xiran jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Inta badan Isgoysyada Wadada Maka Al-Mukarama ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka aan loo ogoleyn, sidoo kale wadada Wadnaha ayaa loo ogoleyn in ay gaadiidka uga soo gudbaan...