Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa...
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay shaacisay qorshaha ay ku dhiseyso ciidamadeedda Badda, kaddib markii dalkaa uu dhammeystirey dhismaha ciidammada dhulka iyo cirka.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu ku faannay dalkiisa inuu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay xoogganyihiin ciidammada cirka iyo dhulka, isagoo la hadlaya madaxa ciidammada...
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa lagu waddaa in...
Dowladda Israa’iil ayaa waxaa ay sheegtay in ay ka jawaabtay, ka dib markii Gantaallo ay soo rideen ciidamada Falastiin.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Gaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil.
Ciidamda Israa’iil waxaa ay sheegeen in laba gantaal lagaga...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka jawaabay eedo uga yimid maamulka Puntland ee Soomaaliya oo sheegay in kooxaha argagixisadda ee Galgala ka dagalamay inay taageerto Somaliland.
Somaliland ayaa eedaasi ku tilmaamay mid caado ka noqotay Puntland oo horeba ugu eedeen jireen argagixiso, haseyeeshee waxa uu xusay in...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dal kaddib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo u mahed-celiyay cid walba ka shaqaysay...
Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka soconaya qabanqaabada shirka Amniga Qaranka oo la filayo in galinka dambe ee maanta uu furmo magaaladaasi.
Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay waxaana maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Dib u dhaca shirkaan ayaa...
Kooxo hubeysan ayaa habeennimadii xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu waramayaa in ay ku toogteen labo Wiil oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degmada, gaar ahaan aaga uu dilku ka dhacay ee xaafadda Suuq Bacaad.
Waxaa goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay oo la sheegay in...
Dowladda Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku wareejisay gadiid casri ah oo ka mid ah gadiid ugu qaalisan dunida kuwaa oo ay ku xiran yihiin qalabka looga hortago Qaraxyada.
Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan oo...
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramaya in xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ahaa culimada ugu caansan gobolka.
Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegeen...


















