Sunday, November 8, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si loola dagaalamo Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka...
Danjiraha Gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul Fidriga. “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay Ciid farxadeed. Keating ayaa sheegay in uu u rajeynayo dadka Soomaaliyeed...
 Basal xumaatay oo la doonayey in Somaliland la soo galiyo ayaa laga celiyey magaalo xuduudda Togwajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa. Khudaartan ayaa la sheegay inay ka timid Suudaan,isla markaana soo dhexmartay Itoobiya, iyadoo lagu waday in magaalada Hargeysa la keeno, haseyeeshee hay’adda Tayadda Raashinka oo baadhitaan ku samaysay...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Maxaabiista dambiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Ku dhowaad shan boqol iyo kow iyo toban maxbuus ayaa dib loo siiyey xoriyadoodii bisha Ciida Ramadaan awgeed, waxaana maxaabiistan loo kala saaray siday u kala dambi fudud yihiin. “Madaxweynaha Somaliland, Mudane...
                Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa Hamalyo Ku Aadan Ciidda Ciidul Fidriga U Direy Dhamaan Madaxda Xisbiyada,Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiyada iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed Meel Walba oo ay ku Noolyihiin Isagoo U Rajeeyey in alle ka Aqbalo Camalkii Wanaagsanaa ee ay Soo Guteen Bishii Ramadaan. Gudoomiyaha Ayaa...
Rabshado mar kele sababay in albaabada loo laabo guud ahaan ganacsigii magaalada ayaa ka bilaabmay badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool. Rabshadahan ayaa ka billaabmay khilaaf dhex maray qaar ka mid ah ciidanka milateriga iyo nin qaadle ah, kaas oo markii danbe Gaadhey gacan ka hadal. "Waxaan arkay askariga iyo wiilka...
Wasaaradda  Arrimaha dibadda Britain ayaa soo saaray digniin ku socta muwaadiniintooda in ay u safraan Soomaaliya iyo deegaanada Somaliland, iyadoo loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan inay isaga tagaan. War lagu daabacay Bogga Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo barwaaqo sooranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Muwaadiniinta Britain inay ka taxadaraan goobaha dadka isugu...
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah. Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka...
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xalay mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir. Ninka toogashada lagu dilay oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa la sheegay in rasaastu ka helleeshay qeybaha sare ee jirka. Gaar ahaan toogashadn ayaa...
Saddex Carruur walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, meel aan ka fogeyn Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Guryaha uu qabsaday dabka ayaa ahaa guryaha cooshado iyo jiingado, waxaana ku baaba’ay illaa sagaal guri. Maryan Axmed Faroole oo ah Hooyada dhashay saddexda Carruur ee...