Wednesday, August 5, 2026
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa Maqaal uu qoray kaga hadlay kaalinta uu Turkiga ku yeeshay dib-u-soo kabashada Soomaaliya. Wasiirku wuxuu dib u milicsaday safarkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, isagoo tilmaamay in booqashadaas...
Xukuumadda Oslo ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga labada dhinac, iyadoo ballanqaadday in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si looga hortago loona maareeyo xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Ballanqaadkan waxaa bixisay Merete Dyrud, Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Norway...
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa inay kasoo qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadatay sidii goboladda...
Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan hawl ku saabsan qiimeyn amni oo horudhac u ah imaanshaha guutada ciidankooda ee qeyb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM. Wafdigan waxaa hoggaaminayey Sareeye Guuto Islam Radwan,...
Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in badbaadada dalka ay ku jirto wadashi qaran oo si dhab ah, si looga gudbo xaalad siyaasadeedka cakiran ee dalka. Jubbaland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay ka weecatay dhamaan ajandeyaashii muhiimka ahaa oo ugu horeeyeen dagaalka Al-shabaab iyo...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee sakaay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsana maleeshiyaadka Al-shabaab. Labadan nin ee dilka toogashada ah saakay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan Maadeey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo kooxda looga dhex garanaayay...
Wafdi milatari oo heer sare ah kana socda dalka Masar, kuna sugan magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo ujeedadeedu tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha lagu doonayo in ciidamo Masri ah lagu biiriyo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya. Wafdigan oo ka kooban 16 sarkaal oo ka tirsan...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gabagabeeyey geeddi-socodkii dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo hadda si buuxda uga mid noqday dowlad goboleedyada xubinta ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya. Geeddi-socodkan oo ku dhisnaa wadatashi, adkaysi iyo go’aan adag ayay Dowladdu sheegtay inay hormuud...
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Sabtidii qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirkooda laba-geesoodka ah, kadib markii ay labada dal kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo dhigaya in si joogto ah la isula yeesho wadatashiyo siyaasadeed. Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha...
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay weheliyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Kornayl Axmed Fathi Cabdelsatar Al-Xusayni. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, barnaamijyada tababarka ciidanka, iyo dardargelinta diyaar-garowga ciidanka Masar ee...