Sunday, November 8, 2026
https://www.facebook.com/xisbigamidnimadda.jamhuurigasomaaliyed/videos/1634864276630698/ warsom2011@gmail.com
 Wararka naga soo gaaraya magaalada Addib Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay meel aan ka fogeyn goob uu ka khudbeynayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la hadlayay Kumannaan ruux oo isugu soo baxay dibedbax isaga lagu taageerayay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Qaraxan...
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin Muhaajiriin Afrikaan oo dhawaan lasoo badbaadiyay ,kuwaasoo Saaran Markab taagan xeebaha dalkaasi. Dadkaa muhaajiriinta ah waxa Khamiistii laga soo samata bixiyey meel ka baxsan badda Libya. Talyaaniga ayaa sheegay in dalka Malta diiday in uu qaabilo laba boqol iyo afar iyo soddon qof...
Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilalkii uga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday Duqii Magaalada Beledweyne, waxaana uu xilkaas u magacaabay Cali Cabdulqaadir Faarax. Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday ku gudoomiye ku xigeenkii Amniga...
Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya. Madasha waxaa ka qeyb galay sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha...
Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya ayaa shalay oo Khamiis ahayd badbaadiyay Laba Doomood oo ay saarnaayeen 301 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, xilli ay ku guda jireen howlo gaafmeer ah. Doomahan oo ku qallibmay Xeebta Magaalada, Garrabulli oo 55-KM Koonfur kaga beegan Caasimadda Tripoli ayaa waxaa dadka saarnaa ka mid...
Saraakiisha ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaana oo hoos-yimaada degmada Diinsoor in ay ku dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab. Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale...
                        Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay sedex nin oo ku eedeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geysteen dilal. G/dhexe Sheekh Max’uud Isxaaq oo kamid ah garsooreyaasha Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo warbaahinta la hadlay kohor inta aan xukunka la...
 Ninka ugu cadcad dadka madaxweynaha Turkiga kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa fagaare dad badani iskugu soo baxeen kala hadlay taageerayaashiisa magaalada xeebta ku taal ee Izmir. Muharrem Ince, oo ah hogaamiyaha xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga Shacabka ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan nin daalay,...